Midawga Afrika Oo Soo Saaray Wakhtiga Talada Sudan La Wareejinayo

Addis Ababa, (HCTV) – Midawga Afrika ayaa ugu digay Milatariga Sudan in dalkaasi uu haysto 15 maalmood in awooda lagu wareejiyo dawladd rayid ah ama dalkaasi lagu soo rogi doono xayiraado.

Waxaanay intaasi ku dareen in dalka sudan laga qabto dooraso xor iyo xalaal ah oo daahfurnaan ah sida ugu dhakhsaha badan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha amaanka iyo nabada ee Midawga Afrika.

Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyey ee dibada ka ah Sudan ee la kulma xubno ka tirsan golaha milatariga ee xukuma Sudan, waxaanu u balan qaaday taageero uu u fidiyo dalkan uu jaarka la yahay.

“Golaha Milatariga ku meelgaadhka ah ayaa wajahaya dalabyo badan oo dadka dibadbaxayaa ay soo dhigayaan, balse waxa iyaduna jirta in loo baahan yahay wakhti lagaga jawaabo dalabyada dibadbaxa” sidaasi waxa yidhi General Jalal Eldin Alshaik, oo ka tirsan golaha Milatariga, kadib kulankaasi Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia ay la yeesheen, waxaanu intaasi ku daray “Go’aanka in lagu wareejiyo al-Bashiir Maxkamada Dambiyada ee Caalamiga ah, waxa samayn kara dawladd si guud loo soo doortay balse aanay ahayn Golaha Milatariga,” ayuu intaasi caariyey General Jalal Eldin Alshaik oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa.

Horn Cable TV.