Madaxweynaha Oo Ka Jawaabay Dood Cashuureed Oo Maamulka Burco Qabey

Berbera (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa si Dadban uga jawaabay cabasho dhanka Cashuuraha ah oo Bilhii u dambeeyay ka soo yeedhayey Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco.

Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Burco ayaa Sannadkan horraantiisii ka sheegay in Xoolaha lagu iibiyo Sayladda Burco lagu Cashuuro Magaalada Berbera marka ay ka dhoofayaan, taasina ay Sharci-darro ah tahay, intaasi ka dibna waxa Maayarka Burco,  Maxamed Cabdiraxmaan Muraad uu Cabasho uu dooddaa ku sii adkaynayo u gudbiyey Golaha Guurtida.

Laakiin, Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Maanta hadal ka jeediyey Magaalada Berbera oo uu booqasho ku joogay labadii Maalmood ee u dambeeyay ayaa sheegay in Magaalo walba leedahay khayraadkeeda, Burco oo uu soo hadal-qaadayna ay leedahay Cashuurta Xoolaha Sayladdeeda lagu iibiyo.

Madaxweynaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Runtii,  Dad badan baa waxay qabaan in Berbera ay dhaqaale dheeraad ah ka hesho Dawladda dhexe, waxaan sheegayaa in wax dheeraad ah oo ay Berbera ka hesho Dawladda dhexe in aanay jirin. Waxa inoo xeer ah in Gobol kasta Kastamka ku yaalla wixii uu helo in Gobolka loo gooyo qayb ka mid ah, taasi oo ah 10%. Magaalo walba waxay leedahay khayraad, mid Kastam Qaad soo maro ayay leedahay oo waa Gabiley, mid waxay leedahay Sayladda Adhiga oo waa Burco oo dhaqaalaha Dalka ugu badan ka soo baxo oo Xoolaha lagu iibiyo Cashuurteeda leh, Laascaanood waxay leedahay Kastamka Dalka laga soo galo, markaa Magaalo walba waxay u baahan tahay Maamulka iyo Dadka oo isfahma..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka