Dibad-baxyo Lagaga Soo Horjeedo Kufsiga Oo Ka Dhacay Garoowe

Garoowe, (HCTV) – Dibadbaxayaal ka soo horjeeda Kufsiga xadhkaha goostay ee ka dhaca maamul goboleedka Puntland ayaa maanta laga dhigay Caasimada Puntland.

Waxaanay dibadbaxayaashu ay socod ku mareen jidadka isku xidha Wasaaradaha, iyagoo watay boodhadh ay ku xardhanaayeen sida adag ee ay uga soo horjeedaan kufsiga loo gaysto hablaha, waxaana boodhadhkii ay dadweynahaasi siteen ku xardhanayaa halku dhegyo ku qornaa afafka Carabiga, Somaliga, iyo Ingiriisiga.

Waxaana ka mid ahaa halku dhigyadaasi “Xukunka Kufsaduhu waa Dil” iyo “Kufsaduhu Qabiil Ma Leh” iyo “Fadlan jooji kufsiga” iyo “Bulshada la wadaaga meesha faldanbiyeed ku marayo”.

Dibadbaxayaashan dareenkooda ku muujinayey siday uga xunyihiin kufsiga ka dhaca Puntland ayaa markii dambe isugu soo biyo shubtay Wasaarado ay ka mid yihiin Wasaarada Cadaalada, Wasaarada Haweenka iyo Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland.

Waxaana markii dambe ku soo biiray dibadbaxayaasha masuuliyiinta Wasaaradaha Haweenka iyo Arimaha gudaha, kuwaas oo dibadbaxayaasha kala qaybgalay socodkoodii.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad ayaa sheegay in baadhitaanku socdo cadaaladana la horkeeni doono.

Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arimaha qoyska Puntland Aamina Cismaan Jaamac waxay sheegtay in Odayaashu aanay wax lug ah ku yeelan doonin arinkan, waxaanay tilmaantay in dhawaan shacabku ay heli doonaan war farxad leh.

“Dawladda Puntland waxa ka go’an in arintaasi laga qaado talaabooyin arintaasina way socotaa, waxaana Illaahay Mahadii ah in hada dhamaan kufsiyada dhacay ama ha noqdeen kuwo abaabulan ama ha noqdeen kuwo mid mid u dhacay ay socoto baadhitaankii.

Sidoo kale waxaan doonayaa inaan reer Puntland la socodsiino kufsiyadii dhacay waxa loo hayaa dad, dadkiina waxa ku socda baadhitaan, hadii Illaahay idmana waxa la horkeenayaa cadaalada” ayuu yidhi Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad.

HORN CABLE TV.