Ruushka Oo Nin U Dhashay Norway Ku Xukumay 14 Sano Oo Xadhig Ah

Moscow (HCTV) – Maxkamad ku taalla Magaalada Moscow ee Caasimadda Dalka Ruushka ayaa xukun ku ridday 63 Jir lagu eedeeyay inuu Basaasayey Hubka Nukliyeerka ee Dalkaasi.

Ninkan oo ka mid ahaan jiray ilaalada Xuduudka u dhexeeya Ruushka iyo Norway ayaa Ciidamada amnigu qabteen bishii December, 2017 ayaa Salaasada Maanta waxa Maxkamadi ku xukuntay 14 sanadoood oo Xadhig ah.

Frode Berg oo ku baryootamay inaanu lagu eedaynin inuu Basaas u ahaa Norway ayaa laga diiday isla-markaana lagu riday Xukunka ah inuu xidhnaado 14 sannadood.

Ilya Novikov oo ah looyarka Ninkan Basaasnimada ku eedaysan, ayaa sheegay inuu aqbalay xukunka ku dhacay oo aanu Ambiil ka qaadan karin, balse uu rejaynayo in Dawladda Dalkiisa Norway ay samayso Dedaal diblumaasiyadeed oo lagu siidaynayo.

Xadhigga Ninkan ayaa lagu soo hadal-qaaday kulan ay toddobaadkii hore yeesheen Madaxweynaha Ruushka Putin iyo Raysal-wasaaraha Norway Erna Solberg.

Markii Madaxweynaha Ruushka la waydiiyey inuu Cafis u fidin karo Askariga reer Norway ee basaasnimada lagu eedeeyay, ayaa wakhtigaa ku jawaabay “Aynu sugno Xukunka Maxkamadda..”, laakiin Xukunkaasi ayaa soo baxay Maanta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka