Ciidamada Amaanka Somalia Oo Hareereeyey Guri Ku Yaala Baar Ayaan

Muqdisho, (HCTV) –  Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka ee Somalia ay ku hareeraysan yihiin guri uu galay nin looga shakisan yahay inuu ururka Al-shabaab ka tirsan yihiin.

Ninkan ururka Al-shabaab ka tirsan ayaa gurigaasi galay kadib markii uu banbo gacmood uu tuuray.

Waxaanay warku intaa ku darayaa in goobta uu gurigaasi ku yaalo laga maqlay dhawaqa rasaasta oo meesha ka dhacaysa.

Waxaana la cadeeyey in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen oo ay xidheen ninkaasi banbo gacmeeda tuuray.

Dhinaca kale waxa maanta qarax lagula beegsaday magaalada Muqdisho ciidamada nabad ilaalinta Somalia ee AMISOM.

Waaxda Online-ka Ee HCTV