Kooxaha Muslim-nacaybka Caanka Ku Ah Oo Fursad Ka Dhiganaya Kiniisad Gubatay

Paris (HCTV) – Kooxaha Midigta Fog ee Muslim Nacaybka caddaysta ayaa Gubashadii Kiniisadda  Notre Dame Cathedral uga faa’idaysanaya inay dunida ku faafiyaan fikradahooda Muslim Nacaybka ah.

Kooxahan ayaa Baraha Bulshadu ku xidhiidho ku faafinaya Hadallo Nacayb iyo Xagjirnimo ah, kuwaasi oo ah in Muslimiintu ku farxeen Gubashada Kiniisaddan Caanka ah.

Notre Dame Cathedral ayaa Isniintii Shalay waxa burburiyey Dab ka kacay, kaasi halkaa ka holcayey muddo ku siman 15 Saacadood,  waxaanu burburiyey kor iyo hoosba Kiniisaddaasi, waxaana ugu muhiimsan waxyaabaha dabkaasi dhulka soo dhigay Taawarkii Kiniisaddaasi calaamadda u ahaa.

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa baadhaya Sababta keentay in kiniisaddu gubato, laakiin illaa hadda waxay sheegayaan in aanay garanayn sababta dabkaa dhalisay.

Xeer ilaaliyaha Magaalada Paris ayaa Warbaahinta u sheegay inay baadhayaan illaa 50 Qof sababta keentay gubashada Kiniisaddaasi, taasi oo ay bakhtiinteeda ka qayb-galeen illaa 4 boqol oo dab-damiye.

Laakiin, Warbaahinta Faransiiska qaarkood ayaa sheegaya in dabkani ka dhashay hawl dib u dayactir ah oo ku socotay Kiniisadda.

Kiniisaddan oo jirtay muddo ka badan 800 boqol oo sanadood isla-markaana ku taalla Magaalada Paris, ayaa waxa Maalintiiba booqasho ku tagi jiray dad gaadhaya 30 kun, sannadkiina waxa booqan jiray 1 Milyan oo Qof, waxaana yaallay Calaamado Diimeed iyo kuwo kale oo Qadiim ah, kuwaasi oo ah kuwa Dadku u daawasho tagi jireen.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ballan-qaaday inuu dib u dhisayo Kiniisadda, taasi oo la sheegay in dib loogu dhisi karo Lacag ka badan Lix Milyan oo Dollar, laakiin sida Warbaahinta Faransiisku tebisay Bilyaneerrada dunida qaarkood ayaa durba ku yaboohay $ 339 Milyan oo dib loogu dhiso kiniisaddaasi.

 

Horn Cable Tv 

Waaxda Online-ka