Madaxweynaha Somaliland oo Booqday Aasaarta Qadiimiga Ah Ee Laas-geel

Laasgeel, (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal ku tagay buuraha Aasaasta qadiimiga ah ee Laasgeel halkaas oo cilmibaadhayaashu ay sheegeen in bani’aadam ku noolaa mudo qarniyo ah ka hor.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intii uu Booqashada ku marayey buurahaasi aasaarta qadiimiga ah waxa loo sharaxay guryihii ay dadkaasi gali jireen oo buuro la qoray ahaa, isla markaana ay ku xardhanaayeen farashaxano sawiro ah oo ay dadkaasi ku muujiyeen xoolihii xiligaasi ay dhaqan jireen oo lo’du ka mid tahay.

Masuul loo tababaray inuu sharaxaad ka bixiyo buuraha Laasgeel ee Somaliland ku yaala ayaa waxa uu yidhi “Waan kugu soo dhaweynayaa Mudane Madaxweyne hada gurigii ugu horeeyey ayaynu soo gaadhnay, markaa qaybtaasina way dhisnayd albaabkuna kaa aynu ka soo galnay ayuunbuu ahaa, waxan aynu arkaynaana waa qoraalkoodii wakhtigaas, xiligaa waxna lama qori jirin waxna lama akhriyi jirin.

Markaa waxa halkaa inooga muuqaa waxa weeyi Lo’dii, Maroodigii iyo Eydii, intaas ayay ka kooban yihiin sawiradu.”  ayuu yidhi Masuulkaasi loo tababaray inuu sharaxo buurahaasi Laasgeel ee Aasaarta qadiimiga ahi.

HORN CABLE TV.