Trump Oo Codka Veto-ga Ku Diiday Joojinta Ka Qaybqaadashada Dagaalka Yemen

U.S. President Donald Trump talks to reporters as he departs for travel to Texas from the White House in Washington, U.S., April 10, 2019. REUTERS/Kevin Lamarque - RC17C3D9E8D0

Washington, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa codka diidmada qayaxan ee Veto-ga ku diiday dalab aqalka Congress-ku uu dalka Maraykanka kaga joojinayey ka qaybqaadashada Maraykanka ee dagaalka Yemen iyo taageerada Milatariga Maraykanku ay siiyaan xulafada Sucuudiga ee dagaalka ka wada Yemen.

Go’aankan Madaxweynaha dalka Maraykanka uu ku diiday codayntii Congress-ka Maraykanku ay markii ugu horaysay ku meelmariyeen qaraar lagu joojinayey ku luglahaansha maraykanka ee dagaal ka socda dalka Maraykanka dibadiisa.

“Qaraarku muu ahayn mid daruuri ah, waxa uu ahaa isku day dhaawacayay awoodayda dastuuriga ah, waxa uu khatar galinayey nafaha muwaadiniin maraykan ah iyo xubno u shaqeeya maraykanka, maanta ama bari.” Ayuu yidhi Madaxweyne Trump oo soo saaray War-saxaafeed.

HORN CABLE TV.