Dawlad Doonaysa Inay Magangalyo Siiso Madaxweynihii Hore Ee Suudaan

Kampala (HCTV) – Dawladda Uganda ayaa sheegtay inay Magangalo siyaasadeed siin karto Madaxweynihii Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir oo Toddobaadkii hore uu Xilka ka tuuray Milletariga Dalkaasi.

Wasiirka Arrimaha dibedda Uganda, Okello Oryem ayaa sheegay in Uganda ay Tixgelin karto haddii Al-bashiir uu ka dalbado Magangalo “Haddii Cumar Xasan Al-bashiir uu Uganda ka dalbado Magangalo, Waxa laga yaabaa in Madaxweynaha Uganda tixgeliyo..” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha dibeddu, kaasi oo intaa raaciyey inay arrintaa Uganda diyaar u tahay.

Wasiirku wuxuu sheegay in Al-bashiir uu mudan yahay in La tixgeliyo, maaddaama buu yidhi uu door lama ilaawaan ah ka soo qaatay heshiiska nabadeed ee dhawaan la kala dhex dhigay dhinacyada Dalka Koonfurta Suudaan.

Laakiin, Madaxweynihii xilka laga qaaday ee Suudaan ayaan tan iyo wakhtigaasi aan Fagaareyaasha lagu arag, wallow Milletarigu sheegeen inuu joogo Goob Amaan ah.

 

Horn Cable Tv 

Waaxda Online-ka