Wakiilkii Hore Ee Qaramada Midoobay U Joogay Soomaaliya Oo Xil Loo Magacaabay

New York (HCTV) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa Wakiilkiisii hore ee Dalka Soomaaliya Nicholas Haysom u Magacaabay La-taliyihiisa gaarka ah ee Dalka Suudaan.

Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric ayaa Salaasadii Warbaahinta u sheegay in Nicholas Haysom loo Magacaabay La Taliye, isla-markaana uu Midowga Afrika kala shaqayn doonaa ama ka Taageeri doono inay awood u yeelato dhexdhexaadinta Ciidammada Milletariga ah ee sida ku meel-gaadhka ah Talada dalka Suudaan Gacanta ugu haya iyo Bulshada reer Suudaan ee doonaya in talada Dalkooda loo gacan-geliyo Rayidka.

“Nicholas Haysom wuxuu Suudaan u joogayaa si uu ugu Caawiyo wax kasta oo uu awoodo..”ayuu yidhi, Afhayeenka Qaramada Midoobay

Dibed-baxyo waaweyn oo dhowr bilood ka socday Dalka Suudaan, ka dib waxa Milletarigu uu xilkii ka tuuray Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir oo Dalkaasi soo xukumayey 30-kii sannadood ee u dambeeyay, laakiin waxa illaa hadda sii jiitamaya Dibed-baxyada ay dhigayaan Muwaadiniinta Dalkaasi, kuwaasi oo dalbanaya in Ciidanku ay talada ku wareejiyaan Rayidka.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa horraantii bishii koowaad ee sannadkan, 2019-ka dalkeeda ka eriday Mr. Haysom, ka dib markii ay ku eedaysay inuu faraha la galay arrimo aan shaqadiisa ahayn, waxayna xilligaa codsatay Dawladda Soomaaliya in Qaramada Midoobay soo beddalato Wakiilkeeda.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka