Somaliland: Degmo Ay Ku Nool Yihiin 147 Qof Oo Dhimirka Ka Buka

Dacar-budhuq (HCTV) – Degmada Dacar-budhuq ee Gobolka Maroodi-jeex, ayaa waxa ku nool 147 Qof oo dhamaantood oo Qaba Xanuun Dhimirka.

Sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Degmada Dacar-budhuq, Mustafe Jebiye oo Shalay Tuulada Laasgeel ee Dalxiiska loo tago War-bixin ku siiyey Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo halkaa booqday.

Mr. Jebiye wuxuu sheegay in Degmada Dacar-budhuq oo ka kooban 33 Tuulo ay ku nool yihiin isla-markaana uu Liiskooda hayo 147 Qof oo dhammaantood qaba Xanuunnada dhimirka, kuwaasi oo qaarkood Walaalo yihiin.

“Degmada Dacar-budhuq waxay ka kooban tahay 33 Tuulo, Madaxweyne intaa aan kuu sheegay (Tuulooyinka) 147 Qof oo Waalan (oo ku nool) ayaan Liiskooda hayaa, sababta keentay maanu baadhin, laakiin waa Qadar Ilaahay. Dadka qaar Qaadka ayaa waalay, Guri baan ugu tagay Afar Qof oo waalan oo Islaan qudhi wada dhashay, Guri Dacar-budhuq ah waxaan ugu tagay 3 Qof oo Waalan oo Islaani wada wada dhashay, Dadkaasi waa Dadkii Degaanka iyo Dad kale oo nala yaalla.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray in Dadka Xanuunsanaya ee Degmadaa ku nool ka sakow ay jiraan Dad kale oo Xanuunsanaya oo dhanka badda u socda oo Jidka Laamiga ah soo mara “Waxaad mooddaa in Xeebta wax yaallaan, waayo? Qofka ka yimaadda halka Somaliland ugu shishaysa waxaad arkaysaa isagoo Laamida lugaynaya (ku socda Xeebta), Xaruntooduna waa Berbera, malaha Jinku Badda ayuu deggan yahaye, Madaxweyne ‘Waan wayso qabaa oo been kuu sheegi maayo’e’ Maalintii Afar Qof oo waalan baa maraya Laamida..”

Guddoomiyaha Dacar-budhuq wuxuu Madaxweynaha ka codsaday inuu arrintaa wax kala qabto “Madaxweyne Magacaaga Allaah ha raajiyee waxaanu doonaynaa arrintaa waxaad ka qaban karayso.”ayuu yidhi.

Ugu dambgayn, Somaliland ayaa waxa ku badan Dadka qaba Xanuunnada Dhimirka, dhakhaatiirtuna waxay ku sababeeyaan Cunista Qaadka iyo Dagaalladii badnaa ee soo maray.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka