Jigjiga: Jeel Dadka Lagu Ciqaabi Jiray Oo Laga Dhigayo Madxaf

Jigjiga, (HCTV) – Maamulka Dawladd Deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa ku dhawaaqay qorshe ay xabsi dhawaan albaabada loo laabay loogu badalayo Madxaf wax lagu kaydiyo.

Jeelkan oo la yidhaa (Ogaden Jail) ayaa ku yaala caasimada dawladd deegaanka Soomaalida Ethiopia, kaas oo mudo ka badan 10 sanadood loo isticmaalayey gaboodfalo xun xun iyo in lagu dilo kooxaha siyaasada kaga soo horjeeday dawladdii Cabdi Maxamuud Cumar Iley iyo qoysaskooda.

Jeelkan ayuu xidhay Madaxweynaha cusub ee Dawladd Deegaanka Soomaalida Ethiopia, waxaanu qayb ka ahaa xadhiga jeelkan isbadalada Madaxweynaha cusubi ku talaabsaday.

https://www.youtube.com/watch?v=u1Hcw_nzb84