Degdeg: Madaxweyne Hore Oo Istoogtay

Lima, (HCTV) – Madaxweynihii hore ee dalka Peru ayaa dhintay kadib markii uu madaxa iska toogtay xili ciidamada Bileyska dalkaasi ay doonayeen inay gurigiisa ka soo xidhaan.

Madaxweynaha hore ee dalka Peru, Alan Garcia ayay da’diisu ahayd 69 jir, waxaanay ciidamada bileysku doonayeen inay soo xidhaan si su’aalo ku saabsan eedaha lacag la maydhay iyo fadeexado musuqmaasuq oo uu hore u galay wax looga waydiiyo.

Balse Alan Garacia ayaa loola cararay cusbitaalka Casimiro Ulloa hospital oo ku yaala magaalada Lima kadib markii uu madaxa iskaga dhuftay xabad maanta oo Arbaca ah.

Dhimashada Alan Garacia ayaa waxa xaqiijiyey Madaxweynaha hada ee dalka Peru, Martin Vizcarra, kaas oo tacsida Madaxweynahaasi hore ee is-dalay soo dhigay Twitter-ka.

Garcia, ayaa dalka Peru Madaxweyne ka ahaa 1985 ilaa 1990 iyo 2006 ilaa 2011, waxaana ku socday baadhitaanka fadeexado musuqmaasuq oo galaaftay badi hogaamiyeyaal Latin America ka soo jeeda.

HORN CABLE TV.