Golaha Guurtida Oo Dood Ka Keenay Xeer U Gudbay Madaxweynaha

Hargeysa (HCTV) – Xildhibaan ka mid ah Golaha Guurtida Somaliland ayaa Golaha Wakiillada ku eedeeyay in Xeer uu Dastuurku u fasaxay in Guurtidu Go’aan ka gaadho uu Golaha Wakiilladu u gudbiyey Madaxweynaha.

Xildhibaan Dayib Xasan Maxamed oo ka mid ah Golaha Guurtida oo Maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Guurtida ee Hargeysa, ayaa ugu horreyn sharaxaad ka bixiyey Xeerarka uu Dastuurku gaar u siiyey Guurtida iyo kuwa Golaha Wakiillada siiyey, waxaanu yidhi “Dastuurku wuxuu gaar u siiyey Golaha Wakiillada, Xeerka Maaliyadda, Tacriifadaha Dawladda, Ansixinta Masuuliyiinta uu Madaxweynuhu magacaabo, laakiin Golaha Wakiilladu waxay ka dhigteen (Xeer walba gaar). Dalku wuxuu leeyahay Gole Wakiillo iyo Gole Guurti oo Baarlamaan baa la isku yidhaahdaa, wixii labadaa Mara, Madaxweynuhuna saxeexo ayuun baa sax ah.”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Qodobka 61-aad ee Dastuurka wuxuu sheegayaa ‘Golaha Guurtidu wuxuu awood u leeyahay dejinta xeerarka ku saabsan, Diinta, Dhaqanka, Nabadgalyada’, markaa Gar-yaqaanka guud waxaan u sheegayaa Xeerarka ay soo samayso Dawladdu ee ku saabsan Diinta, Dhaqanka, Nabadgalyada’ waxaanu xaq u leenahay in lagu soo horraysiiyo Golaha Guurtida, maaddaama oo Dastuurku uu gaar noo siiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu farriin u diray Gar-yaqaanka guud “Gar-yaqaan waxaad kala saartaa wixii labada Gole wada leeyihiin iyo wixii aanay wada lahayn, waayo? Adigaa hawlahaa uga masuul ah Madaxweynaha..”

Xildhibaanku waxa kale oo uu sheegay “Xeer Dalka u ah oo in laga hubsado u baahan, maaha in Golaha Wakiilladu inay inta ay soo Tahriibiyaan ay Madaxtooyada geeyaan, weliba isaga aan marin Wasaaraddii labada Gole qaabilsanayd..”ayuu yidhi.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya Laba Maalmood ka dib, markii Golaha Wakiilladu ansixiyeen Xeerka Booliiska oo khuseeya Nabadgalyada guud ee Dalka, taasi oo wixii ku saabsan uu Dastuurku u gaar yeelay Guurtida.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka