Dastuurka Soomaaliya Oo Aan Dhamaystirmayn Inta Somaliland Maqan Tahay

Muqdisho (HCTV) –  Guddoomiya ku-xigeenka Aqalka sare ee Soomaaliya Abshir Bukhaari ayaa sheegay inaanu Dastuurka Dawladda Federaalku dhamaystirmayn ilaa Somaliland ka qayb-gasho ansixintiisa.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo Maanta Hadal u jeediyey Xildhibaannada Aqalka sare ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Haddii aanay Somaliland si toos ah ugu soo biirin Geedi-socodka Federaalka, Dastuurku ma noqonayo mid dhamaystiran haddii ayna kasoo qayb-gelin aftidiisa iyo ansixintiisaba Somaliland..”

Guddoomiye ku-xigeenku wuxuu u soo jeediyey Dawladda Federaalka inay hormood u noqoto in Somaliland lagu qanciyo inay Federaalka ka mid noqoto “Sidaa darteed waa in si wada jir ah loo doonaa, Dawladda laanteeda fulintuna waa inay hormood ka noqotaa sidii Somaliland loo dooni lahaa, Waayo? Dawladnimada Soomaaliyeed waxay dhamaystirmaysaa marka dib loo yagleelo Jamhuuriyadda Soomaaliya..”ayuu yidhi

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka