Shil Gaadhi: Fannaanad Dhimatay Iyo 7 Dhaawac Ah (Faahfaahin)

Shaygoosh (HCTV) – Inta la ogyahay Hal Qof oo ka mid ahaa Fanaaniinta Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku geeriyootay shil baabuur oo Maanta ka dhacay Deegaankaasi.

Shilkan oo ka dhacay inta  u dhaxaysa Qabri-dahar iyo Shaygoosh ayaa waxa ku Geeriyootay Allaah u naxariistee Fannaanad Magaceedu ahaa Fadxi Cabdi Cali (Fadxi-Nuura).

Waxa kale oo Shilkaasi ku dhaawacmay Illaa 7 Fannaan, waxaana qaarkood soo gaadhay dhaawac culus, sida ay ku soo warramayaan Weriyeyaasha deegaankaasi.

Fadxi-nuura: Fannaanadda ku Geeriyootay Shilka Fannaaniinta Deegaanka Soomaalida Saaka Galeen (Allaah ha u naxariisto)

Shilkan ayaa dhacay ka dib markii ay isku dhaceen Gaadiid kolonyo ah oo la socday Wefti uu hoggaaminayey Madaxweynaha Dawlad-degaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cagjar oo ku sii jiiday Gobolka Af-dheer.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka