“Jeelka Boorama, Wuxuu Ku Dhowyahay Inuu Dumo..” WADDANI

Boorama (HCTV) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay wax ka qabato Jeelka dhexe ee Magaalada Boorama oo ay sheegeen inuu ku dhow inuu dumo.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI, Gar-yaqaan Barkhad Jaamac Batuun oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Boorama, ayaa sheegay in Xabsiga Boorama oo uu la dhisay xilligii uu Ingiriisku gumaysanayey Somaliland uu aad u yar yahay isla-markaana uu xilligan u baahan yahay in wax laga qabto, maaddaama oo uu daalay oo uu khatar ugu jiro inuu Maxaabiista ku dumo.

Afhayeenka oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Jeelka Boorama waa kii Ingiriisku dhisay, hadda waxaynu galnay xilligii Roobabka oo waxaa curtay Gu’gii, Jeelku maxaabiista ku jirta wuu ku daroorimaynayaa, wuu yar yahay, dumid baanu dhow yahay, Waayo? Wuu daalaa Jeelku. Maxaabiista inta laga soo qaado ayaa Saldhigyada Magaalada lagu xidhayaa.”

Afhayeenka WADDANI wuxuu baaq u diray Xukuumadda “Waxaanu ugu baaqaynaa Xukuumadda Kulmiye ee talada dalka haysa oo aanu leenahay waxa koowaad ee aad ka shaqaysaan ha noqoto daryeelka Muwaadiniinta, jeelkaana hoos ha loo eego..”ayuu yidhi.

Xabsiga uu Xisbiga WADDANI ka dayriyey Xaaladdiisa, ayaa ka mid goobo uu sannadkii 2017-kii ka dilaacay Xanuunka shubanku.

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka