Ciyaarta Kama Dambaysta Ah Ee HCTV Cup Oo Bari Ka Dhici Doona Garoonka 31 May

Hargeysa, (HCTV) – Ciyaarta kama dambaysta ah ee Tartanka ciyaaryahanada heerka 1aad ee Garoonka 31-ka May oo loogu magac daray HCTV Cup, ayaa 19-ka bishan oo ku beegan maalinta bari oo Jimce ah dhici doonta.

Ciyaartan final-ka ah ayaa waxa wada ciyaari doona labada kooxood ee isugu soo hadhay ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka HCTV oo ay wada ciyaari doonaan labada Kooxood ee 31-ka May iyo Panorama.

Tartankan maalinta bari ah ciyaarti u dambaysay la ciyaari doono ayaa soo bilaabmay 13-kii March 2019-kii, kaas oo Telefishanka HCTV uu kala qaybqaatay ciyaaryahanada iyo shacbi weynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa sidii ay u hirgali lahaayeen ciyaaro joogto ah oo ka qabsooma dhamaan degmooyinka kala duwan ee caasimada Hargeysa.

Sidoo kale waxa xusid mudan in HCTV iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland oo iskaashanayaa ay dedaal adag ugu jiraan sidii loo hirgalin lahaa tartano joogto ah.

HORN CABLE TV.