Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iiraan oo laga Xidhay Bartiisii Instagram

Tehran, (HCTV) – Shirkadda Instagram ayaa xidhay bartii (account) uu Instram-ka ku lahaa Major-General Qassem Soleimani, oo ah taliyaha ciidamada Quds. Taas oo keentay in Major General Soleimani ay waayaan 888,000 kuwii bartaasi Instagram -ka kala socon jiray.

Talaabadan ayaa timid kadib markii ay dawladda Maraykanku ay go’aansatay in Ciidamada Milatariga dalkaasi ay ku daraan liiskooda ururada argagixisada ah ee dibada.

Jawaab ay ka bixinaysay Hogaamiyaha Golaha Sare ee Amaanka Qaranka Iran oo ka jawaabayey go’aankii dawlada Maraykanku ay ku ceebaysay ciidamada dalka Iran ayaa isagu ku tilmaamay Maraykanka inuu isagu yahay ka taageera Argagixisada.

Xiisada u dhaxaysa Washington iyo Tehran ayaa cirka isku sii shareeraysay kadib markii Madaxweyne Turump uu ku dhawaaqay in dalka Maraykanku uu ka baxay heshiiskii dhinaca hubka nucearka ee uu kula jiray dalka Iran 2015-kii iyo inuu ku soo rogay cunaqabatayno dhinaca dhaqaalaha ooh ore looga qaaday dalka Iran markii heshiiska ay la gashay dawladdii Madaxweynaha ka ahaa Obama.

HORN CABLE TV.