Xayawaan Dhintay Wakhti Hore oo Dhiig iyo Kaadi Laga Helay + SAWIRO

A researcher on site with the foal.

Russia (HCTV) – Cilmi-baadhayaal u Dhashay Dalka Ruushka ayaa baadhitaan ku wada Faras ay sheegeen inuu wakhti hore bakhtiyey, balse ay Dareerayaasha Kaadida iyo Dhiiggiisu weli ka sii qoyan yihiin.

Faraskan oo Bakhtigiisa laga helay Gobolka Verkhoyansk ee Dalka Ruushka, ayaa oogadiisu Qoyan tahay, sida laga soo xigtay Agaasimaha Madxafka Northeastern Federal University (NEFU).

Researchers hope to clone the foal.

Laakiin, Arrinta layaabka leh ayaa ah in Cilmi-baadhayaashu sheegeen in Bakhtiga ay jidhkiisa ka heleen dhiig iyo Kaadidu uu bakhtiyey muddo haatan laga joogo 42 kun oo Sannadood ka hor.

Faraskan oo aad u yar ayaa dhakhaatiirtu cabbirayaan inuu bakhtiyey dhalashadiisa laba Toddobaad uun ka dib, iyagoo ku xidhiidhiyey inuu Asal ahaan ka soo jeedo Tafiirtiir xilligaa.

Laakiin, Arrintan ay illaa hadda layaaban yihiin ayaa ah in Xayawaan bakhtiyey laga helo dhiig ama Kaadi Qoyan.

Grigoriev oo ka mid ah baadhayaasha Ruushka ayaa CNN u sheegay in Faraska yar ee ay Bakhtigiisa baadhitaanka ku wadaan uu da’ ahaan aad u yar yahay “Xitaa Dhogorta iyo meelo ka mid ah Jidhkiisa, gaar ahaan Madaxa iyo Qoobabka..” ayuu yidhi, isagoo tilmaan ka bixinaya in cimriga uu ku dhintay Faraskaasi ahaa mid kooban ama yar.

Liquid body fluids have been found inside a prehistoric 42,000 year old foal.

Researchers inspect the animal.

The foal was found in the Batagaika crater.

 

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online