Haweenay Canada Ka Codsatay In Laba Hablood Oo Somaliland Ku Xidhan Loo Soo Daayo

Ottawa, (HCTV) – Haweenay dhashay mid ka mid ah laba hablood oo dhalashada Canada haysta oo lagu xidhay Somaliland bishii January ayaa dawladda Canada ka dalbatay inay kala hawlgasho sidii loo sii dayn lahaa hablahaasi.

Maymona Cabdi oo da’deedu tahay 28 jir iyo Karima Watts oo dadeedu tahay 23 jir ayay ciidamada Bileysku ay Hargeysa ku xidheen bishii January, xadhiga labadan gabdhood ayay dawlada Somaliland u cuskatay markii ay Cabeen Khamri, kaas oo isagu Somaliland ka mamnuuc ah. Labada gabdhoodna way diideen xukunkaasi waxaanay sheegeen in aanay dami lahayn.

Labada gabdhood ayaa Somaliland socdaal ku yimid maadaama oo qoyaskoodu ay halkaasi ka soo jeedaan, Somaliland ayaa ah Jamhuuriyad ku taala Geeksa Afrika oo sheegtay inay ka go’day Somalia 1991-kii, ilaa iyo hadana ma jirto aqoonsi ay ka heshay beesha caalamka.

Sida lagu daabacay warbaahinta Globe and Mail oo HCTV ka soo xigtay.

Labada gabdhood ayaa waxa soo qabtay oo lagu soo xidhay saldhiga Bileyska ee Koodbuur oo ku yaala Hargeysa.

Hooyada dhashay Maymona oo la yidhaa Fahima Xassan, ayaa ku boorisay dawladda Canada inay la xidhiidhaan Somaliland oo ay kala hadlaan sidii loo sii dayn lahaa hablahaasi.

“Waxaan doonayaa in gabadhayda ay timaado dalkeeda Canada. Waxa ay wajahday waxyaabo badan,” ayay tidhi hooyada mid ka mid ah abada hablood ee Somaliland ugu xidhan khamri ayay cabeen.

“Maymona iyo Karima ayaa labaduba waxa ay ku dhasheen oo ay ku koreen Ottawa, Canada, waxaanay ahaayeen saaxiibo,” ayay intaasi raacisay hooyada dhashay Moymona Cabdi, waxaanay sidoo kale u sheegtay warbaahinta Globe and Mail oo HCTV ka soo xigtay “Markii Karima hooyadeed dhimatay waxay soo raacday inantayda oo ay saaxiib ahaayeen.”

https://www.theglobeandmail.com/world/article-mother-urges-federal-government-to-secure-release-of-two-canadian/