Guddoomiyihii Hore Ee Golaha Wakiillada Puntland Oo Geeriyooday

Garoowe (HCTV) – Waxa Magaalada Garoowe ku geeriyooday Allaah ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Maxamed Xirsi, kaasi oo caan ka ahaa deegaannadaasi.

Marxuumka ayaa Geeriyooday subaxdii hore ee Saaka, sida ay baahiyeen Warbaahinta Puntland oo Telefiishanka Horn Cable uu Warkan ka soo xigtay.

Siyaasiga Geeriyooday ayaa mudod dheer ka mid ahaa Siyaasiyiinta Soomaaliya ee doorka wanaagsan ka soo qaatay siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan ta Maamul-gobolleedka Puntland, isagoo soo noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni oo ku sugan Dubai ayaa Shacabka Puntland ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuumkaasi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka