Masar Oo U Codaynaysa Afti Mudada Loogu Dheeraynayo Madaxweynaha

Qaahira, (HCTV) – Dadka reer Masar ayaa bilaabay inay codkooda ka dhiibtaan aftida wax ka badal loogu samaynayo dastuurka dalkaasi si Madaxweynaha dalkaasi Abdel Fattah el-Sisi uu u xukumo Masar ilaa 2030-ka.

Telefishanka dalka Masar ayaa maanta oo sabti ah baahiyey muuqaalka Madaxweyne Abdel Fattah el-Sisi oo codkiisa ka dhiibanaya goob codbixineed oo ku taala xaafada bariga ee Heliopolis.

Codbixintan loogu codaynayo wax ka badalka dastuurka dalka Masar ayaa socon doonta saddex cisho oo kala ah 20, 21, 22 bishan, waxaana sidoo kale codbixinta loogu codaynayaa in Aqal Sare ee Baarlamaanka la aasaaso.

Hase yeeshee dawladda Abdel Fattah El-Sisi ayaa dhaleecaymo tiro badan kala kulma ururada xuquuqal Insaanka oo ku wajahan in cadaadis xad-dhaaf ah lagu hayo siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

HORN CABLE TV.