207 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Xidhiidh Ah Oo Ka Dhacay Sri Lanka

Colombo, (HCTV) – Saddex Kiniisadood iyo Saddex Hotel ayaa qaraxyo is-xigxiga lala beegsaday dalka Sri Lanka, waxaana qaraxyadaasi ku dhintay dad tiradoodu ka badan tahay 200 qof, siday ay saraakiisha bileysku ay cadeeyeen.

Qaraxyadan xidhiidhsan ayaa lagu qaaday hotel kuwo raaxada ah iyo Kiniisado ku yaala dalkaasi waxaana tirada ku dhaawacantay qaraxyadaasi ay gaadhayaan 450 qof, kuwaas oo ku sugnaa xiligii qaraxu dhacayey kiniisado iyo hotelo ay kaga qaybalayeen munaasibad diimeedka Easter-ka. waxaana saddex ka mid ah qaraxyadaasi ay ka dhaceen goobta ay ku cibaadaystaan dadka diinta Catholic-ga oo ku yaala wadnaha magaalo madaxda Colombo.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA