Weeraro Dhinaca Cirka Ah Oo Ruxay Caasimada Libya Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Tripoli, (HCTV) – Qarax xoogan ayaa ruxay caasimada dalka Libya ee Tripoli oo daba socday weerar dhinaca cirka ah, sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Xaalada dalka Libya ayaa ka sii daraysa tan iyo labadii todobaad ee dagaaladu ay ka socdeen dalkaasi.

Qarax xoogan, ayaa la rumaysan yahay in lala bartilmaameedsaday Caasimada Tripoli, waxaana dadka degan koonfurta Tripoli ay sheegeen inay arkayeen diyaaradaha dagaalka oo dul wareegaya magaalada mudo toban daqiiqo ah ka hor intii aanay duqaynta bilaabin.

Hase yeeshee weerarka dhacay maanta ayaan si dhab ah loo xaqiijin inay sababtay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn iyo inay ahayd diyaaradaha kale ee dagaalka.

Dagaalkan labada todobaad ka socday dagaalka Libya ayaa galaaftay tiro ka badan 227 qof halka ay ku dhaawacmeen tiro ka badan 1,125.

Sidoo kale hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegtay in tiro ka badan 30,000 qof ay ku barakaceen dagaalka ka socda dalka Libya.