“Ma Jiri Doono Madaar Cusub Oo Laga Dhisayo Berbera..” Wasiir Faratoon

Hargeysa (HCTV) – Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Wefti uu hoggaamiyo oo Safar shaqo ugu maqnaa dalka Isku tagga Imaaraadka Carabta, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka Wasaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga, Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo Saxaafadda kula hadlay Madaarka Hargeysa, ayaa sheegay in Somaliland iyo Imaaraadku ay heshiisyo cusub soo kala saxeexdeen, kuwaasi oo ay ka mid yihiin in la joojiyey Madaarkii cusbaa ee la doonayey in Imaaraadku ka dhiso Magaalada Berbera, maaddaama Imaaraadku uu Saldhig Milletari ka dhigtay Garoonkii hore ee Magaalada Berbera ku yaallay, laakiin hadda ka dib Garoonkii hore ee Berbera Ciidanka iyo Rayidku wada isticmaali doonaan “Waxa la isla gartay in madaarka Berbera uu noqdo mid ay ka degaan Diyaaradaha Ganacsiga iyo kuwa Rayidka, oo aan intiisa badan loo isticmaali doonin Saldhig Milletari..” ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland.

Sidoo kale, waxa Dawladda Somaliland samayn doontaa shirkad ka shaqaynaysa in Xoolaha Somaliland loo dhoofiyo Dalka Imaaraadka Carabta, taasi oo qayb ka ah heshiisyada ay wada galeen labada dhinac “Imaaraadka iyo Jamhuuriyadda Somaliland waxyaabaha ay ku heshiiyeen waxa ka mid ah inay si wada jir ah u sameeyaan Hay’ad dhoofisa Xoolaha reer Somaliland oo qaadda oo u sii dhoofisa Dalalka Carabta ama Dalal ka sii fogba ha noqotee, inay Hay’addaasi xoolaha furto oo ay u geyso dalalka Caalamka ee u baahan, arrintaasina waa arrin weyn oo la soo galay (Heshiiskeeda)..”

Laakiin, ma jiro wax heshiis ah oo Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland soo bandhigay ama Masuuliyiinta kale ee Xukuumadda ee Madaxweynaha ku wehelinayey Safarka Imaaraadka Carabta.

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka