Kharashka Ku Baxa Amaanka Agaasimaha Facebook Oo Xadhkaga Goostay

Washington, (HCTV) – Shiradda Facebook ayaa ilaalada amaanka Agaasimahooda guud ku bixisay lacag ka badan $22 Milyan oo dollar sanadkii 2018-ka. Sidoo kale waxa ku jira lacagta lagu bixiyo ilaalada amaanka Agaasimaha shirkadda Facebook cashuurta hore ee ogolaanshaha kharashaadka amaanka sida ilaalada raacaysa, qalabka lagu ilaalinayo iyo horumarinta meelaha uu dagayo.

kharashaadka dhinaca amaanka ee Agaasime Zuckerberg waxa uu ka soo booday $9.1 Million oo sanadkii 2017-kii kharashaadka amaankiisa lagu bixinayey halka sanadkii 2018-ka ay korodhay oo amaankiisa lagu sugayey 22.6 million oo dollar, si loo kordhiyo kharashaadka ilaalada agaasimahan sumcada sare aduunka ku leh.

Sidoo kale shirkadda Facebook ayaa bixisa kharashaad kale oo ay ku bixiso qoyska Agaasimahooda Zuckerberg, waxaana ka mid ah diyaarad gaar ah ay ku safreen 2018-kii, taas oo shirkadu ay ku macnaysay inay qayb ka tahay Barnaamijka Amaanka Agaasimaha.

Shirkadda Facebook ayaa laba sanadood oo xidhiidh ah ay soo wajahday fadeexado. Waxaanay shirkaddu ay dhibaato xoog leh kala kulantay xogta gaarka ah ee qofka kadib markii Cambridge ay urursatay xogta dad ka badan 87 million oo isticmaala Facebook-ga, waxaana sidaasi ku fiday hadalo nacayb ah oo badan. Kuwaas oo dusha lagaga tuuray shirkadda iyo aasaasaheeda 34-jirka ah.

Mr. Zuckerberg waa mid ka mid ah Agaasimayaasha aadka looga ictiraafsan yahay aduunka, qaybo badan oo ka mid ah waxa sabab u ah balaadhnida macaamisha iyo xidhiidhka ay aduunka oo dhan ku xidhiidhaan, shuruucda iyo dareenada dhinaca sharciga ah.

Sidoo kale shirkadda Facebook waxay kordhisay lacagta ay dul saarto Madaxa Xafiiska Hawlgalada Facebook, haweenayda la yidhaahdo Sheryl Sandberg oo iyadana amaankeeda lagu bixiyo lacag gaadhaysa $1.1 million.

Aasaasaha shirkadda Facebook Mr Zuckerberg waxa uu ka mid yahay dadka ugu taajirsan aduunka waxaana qaniimada maaliyadeed ee uu haysto lagu qiyaasaa $70 billion, sida ay sheegtay the Bloomberg Billionaire’s index.

Hase yeeshee warbixinta laguma xusin ilaa iyo hadda khataraha amaan ee ay gashay nafta agaasimaha shirkadda Facebook walow la dul dhigo ilaalo aad u xoogan.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA