Miyey Kulmeen Madaxweyneyaasha Somaliland Iyo Puntland ?

Hargeysa (HCTV) – Wasiirka Arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland, Dr. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka hadlay Warar sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Puntland ku kulmeen Dalka Imaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha dibedda oo ka mid ahaa Wefti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo Maanta Hargeysa dib ugu soo laabtay, ayaa Saxaafaddu waydiisay waxa ka jira Wararka sheegaya in Madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland ku kulmeen Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaanu Wasiirka oo Su’aashaa ka jawaabayaa yidhi “Iskumaanu soo gaadhin (Madaxweynaha Puntland Dalka Imaaraadka), Sidaan warka ku maqlay Maalintaanu tagnay Imaaraadka isagu wuxuu joogay meesha la yidhaahdo Dubai, Annaguna Abu Dubai ayayd meesha aanu ku sugnayn..”

Wasiirku wuxuu sheegay in Madaxweynaha Puntland xilli ay iyaga Weftigoodu joogay Abu Dubai uu ka kalena joogay Dubai, markii ay Dubai tageena loo sheegay in Weftigii Madaxweynaha Puntland uu Nairobi ka degay “Maalintaanu ka degnay (Dubai) waxaanu maqalnay inuu isaguna ka degay Nairobi..”ayuu yidhi.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxa Warbaahinta Internet-ka qaarkood qorayeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillaahi Deni ku kulmeen Dalka Imaaraadka Carabta.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online