Baanka Oo Xaaraan Ku Sheegay In Maceeshadda Aan Qiimaha Sarrifku Marayo Lagu Iibin

Hargeysa (HCTV) – Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), ayaa ka hadlay dhibaatada ka taagan Qiimaha Maceesahadda Daruuriga oo aad u sarreeya iyo Qiimaha Sarrifka Dollarka oo hoos u dhacay.

Suuqyada Somaliland ayaa waxa 1-ka dollar lagu sarrifrayaa  8 boqol iyo jarjar, laakiin Ganacstada, sida Bakhaarrada iibiya Raashinka ayaa wax ku iibinaya qiime aan ahayn kaa suuqa uu ka marayo dollarku isla-markaana 1-ka dollar ku qiimaynaya lacag gaadhaysa 10 kun oo shilin, taasi dadweynuhu cabasho ka muujiyeen.

Guddoomiyaha Baanka dhexe, Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xafiiskiisa Magaalada Hargeysa, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi “Inkasta oo Sarifka Dollarku wuu dul fadhiistay 8 boqol oo kun oo Shilin, haddana Ganacsatada waaweyn, Huteellada, bakhaarrada, Tukaamada yaryar waxay 1-ka dollar ku dhufanayaan 10 kun oo Shilinka Somaliland ah, waxa iyaguna la mid ah Dugsiyada Waxbarashada ee gaarka loo leeyahay, Jaamacadaha iyo Dhakhtarrada, haddaba Baanka Somaliland wuxuu u arkaa Dollarka ku salaysan 10 kun oo Shilinka Somaliland ah inay dul-saaran tahay illaa 2 kun oo shilin (dheeraad ah), dul-saarka noocaas ahi waa Xaaraan aan waafaqsanayn Ganacsiga Xalaasha iyo shareecada Islaamka..”

Guddoomiyuhu wuxuu baaq u diray Ganacsatada “Sidaa darteed Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa Ganacsatada iyo Cidda kale ee ay khusaysaba inay Sicirka dollarka ku saleeyaan qiimaha uu Suuqa ka taagan yahay, oo aanay ku dhufan Sicirkii uu hore u taagnaa.”ayuu yidhi.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka