Ethiopia Oo Yeelatay Saxaafad Xor Ah

Addis Ababa, (HCTV) – Xafiis qalabkiisa la soo ururiyey oo qaybi banaan tahay, ayaa mid ka mid ah suxufiyiinta ugu caansan Ethiopia ayaa wargeyskiisa todobaadlaha ah ku soo saara isaga iyo afar shaqaale ah.

Eskinder Nega oo wax ku bartay Maraykanka ayaa marar badan ay dawladu xidhay, lixdii sanadood ee ugu dambeeyey, balse dawladii cusbayd ee Raysal Wasaare Abiy Axmed, ayaa isaga iyo daraasiin suxufiyiin ah oo xidhnaa la sii daayey, waxaanay xoriyaad u helaan inay mar labaad wax qoraan.

Wargeyskiisa todobaadlaha ah ee Ethiopis ayaa ahaa mid xoogan oo tayo leh, gaar ahaana ay ka soo horjeesteen maamulka magaalada, iyo in ay u dhaqdhaqaaqaan qoomiyada Oromada, waxaana dib awoodiisii usoo celiyey Abiy Axmed oo isagu wargeyska iyo ololihiisa u arkayey inuu qayb ka yahay halganka dimuqraadiyada.

Halka kuwo kale ay u arkayeen mid khatar ku ah Ethiopia oo siyaasada cusubi ay jilicsan tahay, oo qayb ahaan mawjadaha wararku ay dhinac u xagliyaan iyo in ay xaalada dalka mushkilado badani ka jiraan ka sii dara.

“Kuma ayaa odhanaya, maxaa xagjir ah? Eskinder ayaa sidaasi yidhi isagoo ku sugan xafiiskiisa yar, in la wada jeclaysto isku imaanshaha dimuqraadiyada cusub iyo boqorooyooyinka Ethiopia inay u midoobaan dalka.

Markii Raysal Wasaarahan cusub uu yimid sanad ka hor, Abiy waxa uu gadh wadeen ka noqday isbadal keenay inay dalka dib ugu soo noqdaan siyaasiyiintii tarkiilka dibada ku joogay iyo kooxihii hubaysnaa iyo in xabsiyada laga sii daayo siyaasiyiintii xidhnay, heshiisna uu la gaadhay Eritrea iyo inuu fasaxay warbaahintii aadka loo cabudhin jiray.

Ethiopia dhif iyo naadi ayay ahayd inay yeelato calaamad ifaysa ama kordhinaysa xuquuqda iyo dimuqraadiyada, waxaana qaarada ka jiray hogaamiyeyaal in ka badan mudadii la doortay sii fadhiya. Waa horumar hadii la helay warbaahin xor ah. Mudo intaa ka badana may suxufi sii xidhnaaday muu jirin.

Taasina waa sababta loogu doortay inay marti galiso Ethiopia Maalinta Madaxbanaanida Saxaafada Aduunka ee 2-bisha May.

HORN CABLE TV.

WAAXDA ONLINE-KA