Dooddii Wada-hadallada Soomaaliya:- Siyaasi Aragti Gaar Ah Qabey

Hargeysa (HCTV) – Magaalada Hargeysa ayaa waxa Xalay lagu qabtay dood lagu marti-qaaday Siyaasiyiin hore Xilal Wasiirnimo uga soo qabtay Somaliland iyo Xubno kale oo muhiim ah, sida Musharraxii Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID, Dr. Ebyan.

Kulankan oo lagaga doodayey su’aal ahayd in Somaliland ay xilligan Wada-hadallo la furi karto Soomaaliya iyo in kale, ayaa waxa siyaasiyiintii Martida ku ahaa kulanku waxay uga jawaabeen si isku mid ah, marka laga reebo Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumadihii ka horreeyayba xilal Wasiirnimo ka soo qabtay, kaasi oo qabey aragti ka duwan ta ay qabeen xubnaha kale.

Axmed Ismaaciil Samatar oo ugu horreyn ka jawaabay su’aasha doodda Saldhigga u ahayd ayaa sheegay inuu aamisan yahay in Somaliland ay la hadasho Soomaaliya, waxaanu yidhi “Anigu waxaan leeyahay lagama maarmaan weeyaan in hor-fadhiisto oo lala hadlo, Waayo? Dadka aad Magta ka doonayso waa inaad is hor-fadhiisataan oo aad Qancisaa.”

Sucaad Carmiye oo ka mid ah Hablaha Aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, ayaa iyaduna sheegtay “Anigu waan aaminsanahay in Soomaaliya lala hadlo..”ayay tidhi, Sucaad Carmiye

Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa Wasiirkii Madaxtooyada ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, imikana ah Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa isaguna sheegay inuu aamisan yahay inay muhiim yihiin Wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ““In la wada-hadlaa waxaan u arkaa inay muhiim tahay, inay Somaliland muhiim u tahay,  Soomaaliya muhiim u tahay, Gobolka aynu joogno guud ahaanba ay muhiim u tahay..”ayuu yidhi.

Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI, Dr. Ebyan ayaa isaguna ka qaba Aragti la mid ah ta Xubnaha hadalka kaga horreeyay “Wixii aynu wada lahayn haddaynaan Wada-hadal kaga doonin,  ma dagaal baynu kaga doonaynaa weeye Jawaabtu..”ayuu yidhi, laakiin Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ururkii SNM, xilal dhowr ahna ka soo qabtay Somaliland, ayaa halkaa ka sheegay Aragti ka duwan ta xubnaha kale, waxaanu yidhi “Soomaaliya aynu la hadalno, meel la fadhiisano oo aynu wax isku ogaano hore ayaynu u soo eednay, markaa aynu ka ilbaxno..”

Dooddan oo dadka ka qayb-galay badankoodu isku aragti ka qabeen waxa saldhigga u ahaa dooddaasi, ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Urur Magaciisu yahay Inspire Group.

 

Horn Cable Tv 

Waaxda ONLINE-ka