Uganda: Heesaaga Siyaasiga Noqday Ee Bobi Wine Oo La Xidhay

Kampala, (HCTV) – Heesaaga siyaasiga noqday ee Robert Kyagulanyi alias Bobi Wine ayaa la xidhay, sida uu Bobi Wine ku xaqiijiyey xadhigiisa kadib fariin uu soo dhigay twiter-ka.

Mr Bobi Wine ayaa sheegay in la xidhay maanta oo Isniin ah, xili uu ku sii jeeday meel uu shir-jaraa’id ku qabanayey oo uu doonayey inuu dadka ugu gudbiyo arimo la xidhiidha habdhaqanada bileyska, cadaalada iyo gaboodfalada ay masuuliyiinta dawladu geystaan.

“Ciidamo isugu jira bileys iyo military ayaa hor istaagay goobtii aanu shirka ku qabanaynay ee Busabala, waxaanay ciidamada bileysku ay noola dhaqmeen si xun,” ayuu yidhi Bobi Wine.

Waxaanu intaasi ku daray “Muwaadiniinta looma ogoa inay hanti gaar ah yeeshaan. dadka waa la garaacaa, waana la cabsi galiyaa, waa in arintaasi la joojiyaa sidaasi waxa uu ku yidhi qoraalka uu soo dhigay twitter-ka.

Waaana muuqaal la duubay uu muujinayaa xadhiga siyaasiga Bobi Wine oo ciidamo aad u hubaysani ay isku dayayaan inay jabiyaan gaadhiga uu saaran yahay Bobi Wine si ay u xidhaan.

Xadhiga siyaasiga ayaa yimid kadib markii dawlada Uganda ay maalintii jimcihii ay ka joojisay in bandhigyo ku saabsan munaasibada Easterka uu Bobi Wine uu dhigo, kuwaas oo u qorshaysnaa inuu ku qabto Kampala.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA