Ethiopia Oo Lacago Daymo Ah Urursanaysa

Addis Ababa, (HCTV) – Ethiopia iyo Korea Eximbank ayaa kala saxeexday have signed heshiis lacag gaadhaysa 264 million US dollars lagu dayminayo dalka Ethiopia.

Waxaana wajiga koobaad ee daynta la siinayo dalka Ethiopia uu noqon doonaa 170 million US dollars ah, oo loo isticmaali doono balaadhinta laydhka dhinaca koonfureed ee dalka Ethiopia.

Halka wajiga labaad ee daynta dalka Ethiopia la siinayo ay noqon doonto 94 million US dollars oo iyadana loo isticmaali doono in lagu maalgaliyo dhinacyada biyaha iyo waraabka dhulka miyiga ah.

Waxaanay qayb ka noqon doonaan mashaariicda horumarineed ee dhinaca waraabka lagaga horumarinayo dalka Ethiopia.

Sidoo kale dhawaan ayay ahayd markii dalka Ethiopia uu heshiis la galay bangi Carab ah oo Amaahin doona dalka Ethiopia dhawr iyo labaatan milyan oo dollar.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA