Hooyo Ka Kacday Koomo Ay 30 Sannadood Ku Jirtay

UAE (HCTV) – Muniira Cabdalle oo ah hooyo u dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa ka soo kacday Koomo ay ku jirtay muddo ka badan 30 sanadood ah.

Muniira ayaa waxa dhaawac ka soo gaadhay Maskaxda, ka dib markii Gaadhi iyada iyo Wiilkeeda Cumar ka soo qaaday Dugsiguu dhiganayey ay isku dhaceen Gaadhi bas ah, halkaana waxa ka soo gaadhay dhaawac dhanka Maskaxda ah oo sababay inay muddo dheer Koomo ku maqnaato.

Laakiin, Wiilkeeda Cumar oo weligiiba rejo ka qabay in Xaaladda Caafimaad ee Hooyadii hagaagi doonto, ayaa si joogto ah u caawinayey, iyadoo hooyadu Xanuunkeeda ka hor Caawin jirtay Wiilkeeda oo ay Carruurteeda kale ka dooratay ama ka jeclayd.

Laakiin, muddo sannadood ah oo Muniira ku jirtay Koomo ayay ka soo baxday Koomadii, wallow dhakhaatiirtu  rumaysnaayeen in aanay lahayn rejo dambe oo nololeed oo aanay soo kici doonin.

Qoyskeeda oo si gaar ah ula hadlay Warbaahinta The National oo Horn Cable Tv ka soo xigtay, ayaa ka hadlay sida Mucjisada ah ee Hooyo Muniira uga soo kacday Koomada ee ay ula kulantay dunidan ka beddelan siday ku ogayd.

Cumar wuxuu ka warramay markii uu dhacayey Shilka hooyadii khatarta ku gashay ayaa sheegay “Hooyaday waxay ila fadhiday Kursiga dambe ee Gaadhiga, markii ay aragtay Shilka nagu soo aaddan Laabta ayay i gelisay..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo markii Hooyadii Koomada ka soo baxday uu sheegay “Anigu, weligay kama rejo dhigin Hooyaday, maxaa yeelay waxaan dareemayey inay maalin uu soo kici doonto, waayo? Aniga waxay ii ahayd sida dahabka oo kale..”

Hooyadan oo Cisbitaallo badan la mariyey, ayaa sanadkii hore waxay ku soo kacday iyadoo ku jirta Cisbitaal ku yaalla Dalka Jarmalka, sida uu sheegay The National oo HCTV uu warkan ka soo xigtay.

Wiilkeeda Cumar wuxuu sheegay in Xilligii hooyadii uu dhaawucu soo gaadhay aanu jirin Mobile lagula hadlo Gurmad deg-deg ah, sidaasi darteedna ay muddo Saacado ku qaadatay in Cisbitaal la geeyo.

Qaliin badan oo lagu sameeyay, Daryeel saa’id ah oo loo sameeyay ka dib, wiilkeeda ayaa sheegay “Waxaan maqlay Qof Magacayga iigu yeedhaya, waa iyada, Farxad baan la duulay, sanado ayaan ku riyoonayey dhacdadan..” ayuu yidhi, Cumar oo muddo badan la tacaalayey Xaaladda Caafimaad ee hooyadii markii ay Koomada ka soo baxday.

Cumar wuxuu Allaah uga Mahad-celiyey inuu dedaalkiisii ka midho-dhaliyey oo uu hooyadii Caafiyey

Waxa Xusid mudan in Cisbitaalka Jarmalka ee lagu daweeyay uu Gacan ka geystay Amiirka Abu Dubai, Sheekh Maxamed bin Zayed.

Hooyo Muniira Cabdalle iyo Wiilkeeda ayaa markii ay Shilka galeen deganaa Al-cayn.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka