Madaxweynaha Somalia Oo Socdaal Ugu Ambabaxay Dalka Masar

Muqdisho, (HCTV) – Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa galabnimadii maanta socdaal ugu amba baxay dalka Masar, halkaas oo uu ka furmi doono shir ay yeelanayaan Madaxda Wadamada Midowga Afrika.

Shirkan ka dhici doona dalka Masar ayaa lagaga tashanayaa xaaladaha ay ku sugan yihiin dalalka Sudan iyo Algeria iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalalkaasi.

Hase yeeshee waxa aan ilaa iyo hadda la ogayn cida uga qaybgalaysa dalalka Sudan iyo Algeria oo ka mid ah dalalka qaarada Afrika ee shirka ku yeelanaya dalka Masar oo isagu sanadkan la wareegay hogaaminta ururka Midawga Afrika.

HORN CABLE TV.