Dhulgariir Xoogle Oo Ruxay Philippine Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Manila, (HCTV) – Dhulgariir xoogleh oo cabirkiisa lagu qiyaasay 6.4 magnitude ayaa ku dhuftay waqooyi-galbeed ee dalka Philippine.

Waxaana ku dhintay dad tiradoodu gaadhayso 16 qof halka 100 qof oo kalena ay dhaawacyo ka soo gaadheen.

Kooxaha gurmadka ayaa dhismayaasha burburay ka raadinaya dad ku hoos jira oo ku waxyeeloobay dhulgariirka.

Dhulgariirkan ka dhacay dalka Philippine ayaa sidoo kale waxyeelo gaadhsiiyey madaar ku yaala koonfurta dalkaasi, oo caasimada Manila u jira 60Km. Sidoo kale dhulgariirkan ayaa laga dareemay caasimada dalkaasi ee Manila.

Dhulgariirkan gilgilay dalka Philippine ayaa burburiyey dhisme ganacsi oo 48 dabaq ahaa oo ay xiligaasi wax ka iibsanayeen dadku, sidoo kale waxa uu dhulgariirku burburiyey kiniisad ku taala dalkaasi oo ay ka socotay munaasibad diimeedka Easter-ka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA