Shirka Qaahira Uga Furmay Dalalka Midawga Afrika Iyo Ajandayaasha La Soo Dhigay

Qaahir, (HCTV) – Hogaamiyeyaasha dalalka Afrika ayaa maanta oo Salaasa ah shirk u yeeshay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kuwaas oo shirkaasi ku faaqdaya xaaladaha dibadbaxayada ee dalka Sudan iyo dagaalka ka soo cusboonaaday dalka Libya.

Kulankan oo noqonaya mid degdeg ah oo dalalka Qaarada AFrika ay kaga arinsanayaan xaaladaha labadaasi dal ka jira, gaar ahaana dibadbaxyadii dalka Sudan ka bilaabmay bishii December ee sababay in talada dalkaasi laga tuuro Madaxweyne Cumar Xasan Al Bashiir.

Halka sidoo kale kulankaasi wadamada Midawga Afrika ku bohoobay ay ku yeesheen Qaahir ay kaga hadlayaan dagaalka ka soo cuboonaaday dalka Libya, khaasatan weerarka uu General Khalifa Haftar uu ku qaaday Maleeshiyaadka gacanta ku haya caasimada Tripoli.

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifatax Al-Sisi  oo ah Madaxa Midawga AFrika ayaa qaabilay Madaxweyneyaasha dalalka Chad Idriss Deby, Madaxweynaha dalka Rwanda President Paul Kagame, Madaxweynaha Congo Denis Sassou-Nguesso, Madaxweynaha Somalia Mohamed Abdullahi Mohamed iyo Madaxweynaha dalka Koonfurta Afrika Cyril Ramaphosa iyo Madaxweynaha dalka Dijbouti Ismail Omar Guelleh.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.