Ciyaar Xiiso Leh Oo Garoonka Guryo-Samo Ku Dhexmartay AFRICAN RELIEF Vs FAACO Comp

Hargeysa, (HCTV) –  Ciyaaraha Tartanka Kubadda Cagta ee HCTV ayaa si habsami leh uga socda Garoonka Guryo-samo ee degmada Maxamuud Haybe, oo ah ciyaaraha loogu gudbayo kulamada is-reebreebka ayaa shalay ciyaar xiiso badani waxa ay ku dhexmaray kooxaha African Relief iyo FAACO Company.

Ciyaartan oo ahayd mid ku bilaabantay jawi degan, ayaa waxa ka soo qaybgalay daawadayaasha sida joogtada ah ula socda ciyaaraha garoonka Guryo-Samo.

Waaana ciyaarta qaybteedii hore lagu kala nastay hal gool iyo hal gool ah, iyadoo isku soo noqodkii qaybtii dambe ay guul muhiim ah gaadheen ciyaartoyga Afrikan Relief, taas oo keentay inay u gudbaan wareega is-reebreebka ee ciyaaraha HCTV ee ka socda garoonka Guryo-samo.

Sidoo kale waxa xusid mudan oo ciyaarahan ka soo qaybgalay daawadayaasha ka soo qayb dadweyne farabadan oo iskaga kala yimid daafaha caasimada.

Waxaana halkaasi ka hadlay Cabdi-Xaaxi oo ka hadlayey guddida nabadgalyada degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi Cabdi Xaaxi “Cida soo qaban qaabisay koobkan oo ah HCTV aadbay u mahadsan yihiin, anigoo ah guddida horumarinta dhalinyarada ee degamadan Maxamuud haybe waxaan aad u amaanayaa oon u hambalyeynayaa cid kasta oo wax ka qabatay garoonkan iyo is-dhexgalka dhalinyaradaba ee dhamaan caasimada Hargeysa.

Waad aragtaanoo garoonkan si wanaagsan ayay uga socotaa tartanku imikana waxa uu marayaa gabogabo.” Ayuu yidhi Cabdi-xaaxi.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA