SICIR BARARKA IYO SOMALILAND : QoreAhmed M. Farah

Posted by

Image may contain: 1 person

 

1. Muxuu yahay Sicir Barar (Inflation)
2.Sababa Sicir bararka
3. Sicir bararka Somaliland Maxaa gaare u sababay
4. Muxuu yahay Doorka bangiga dhexe ee wax ka qabashada sicir bararka
5.Maxay tahay doorka Dawladda dhexe gaar ahaan wasaaradda maaliyaddu
6. Sarifka iyo Sicir bararka
7. Adeegga Mobil lacag Ku Qaadasha ama Adeegga Lacag xawilidda degdega ah (Mobile money transfer)
8. ZAAD iyo E-Dahab Xaaladooda
9. Go’aamadii Dawladdu Ma yihiin qaar Si dhab ah wax uga qabanaaya dhibaatadan Soo noqnoqotay
10. Talo soo jeedin

1. Muxuu yahay Sicir Barar?
marka laga tago in kelmadda Soomaliga luuqad ahaan loo macneeyo qeexidda cilmiga ee Sicir barar oo English loo yaqaan (Inflation), waxay tahay {waa kororka boqolayda celicelis ahaan ee ku kordha qiimaha gadashada ama iibka, waxa kale oo lagu fasiri karaa kororka joogtada ah ee qiimaha wax kala iibsiga }

2. Maxaa sababa Sicir bararka
Aragtiha dhaqaaluhu waxay sheegaan sababo badan oo kala duwan oo midba door ku leedahay Sicir bararka
Haddaynu kuwa ugu muhiimsan soo qaadano waxaa ka mid ah
B) Lacag badan oo suuqa lagu soo daayo (Money Supply)
Qiimaha lacagta waxa go’aamiya xaddiga lacagta ee suuqa wareegaysa ama ku jirta iyo waxa ay dadku ka aaminsan yihiin qiimaha lacagta. Marka Banka dhexe ama cid kale oo awoodeeda lihi ay suuqa ku soo dayso lacago dheerihi oo ka baxsan Xaddiga korodhka dhaqalaaha qiimihii lacagtu hoos ayuu u dhacayaa waayo waxa is bedelaaaya aragtidii dadka ee lacagta (people’s perception to words the currency ) taasi waxay sababaysaa in uu qiimo dhac ku yimaado lacagti qiimihii maciishadana ku khasbaysa inu kor u kaco xaqiiqaduna ay noqonayso shilinkasta oo lacagta ahi inuu sidii hore ka qiimo yaraanaayo
Tan waxa la saamayn ah marka lacag cusub dawladdu soo daabacdo (printing a money)
T) Saamaynta Dalabka (Demand-Pull Effect)
Haddii dhaqaalaha dadku uu yahay mid sareeya oo shaqo la’aani jirto ama ay kordhaan mushaharooyinka dadka, ka dib marka ay dadku lacag badan gacantooda soo gasho baahi badan iyo dalab badan oo iib ayaa imanaaya , korodhkaa hantida iyo dalabka badan ee dadku waxa uu sababayaa baahidii loo qabay maceeshada iyo adeegyada ka dib shirkaduhu waxay kor u qaadayaan sicirka badeecadaha iyo adeegyada si dalabkii iyo badeecaddii suuqa layskugu miisaamo.
Tani inta badan waa dalalka dhaqaale kobuco ka jiro shaqo la’aantuna ku yartahay
J) Saamaynta kharashka (cost-Push effect)
Waxyaabaha kale ee sababa in ascaartu kor u kacdo waxa ka mid ah marka shirkadaha ganacsigu soo wajahaan kharashaad iyo kor u kac agabkooda adeega, si ay macaashkooda u ilaaliyaan waxay kor u qaadaan qiimamaha badeecadaha ay gadayaan
Arrintan waxaa sababi kara korodhka mushaharaadka ay bixinayaan (waa marka ay jiraan ururo shaqaale oo ku khasbi kara inuu shaqaalaha u kordhiyo mushaharaadka uu siinaayo), waxa kale oo sababikara, korodka qiimaha badeecadaha lala soo dego iyo korodhka cashuuraha laga qaado adeega ay bixiyaan.
X) Xadiga Sarrifka (Exchange Rate).
Haddii qiimo dhac lacageed dhaco waxa jira sicir barar, qiimo dhac lacageed waxaa looga jeedaa haddii lacagta guduhu ay goynayso wax ka yar intii ay goyn jirtay isbedelka lacagta qalaad darted. Tani waxay sababaysaa in waxii lala soo degaayey uu qaali garoobo oo dadka ku adkaato in ay wax la soo degaan, wixii la dhoofinaayeyna uu jabo oo dalku markaa dhoofin badan sameeyo warshadaha waxsoosaarka ee wax dhoofiyaana horumar badansameeyaan.
Sababahaas dhawrka ah iyo qaar kale oo aad uga tiro badaniba waxay sababaan sicir bararka ku yimaada dal.

3. Sicir bararka Somaliland Maxaa gaare u sababay
Sidaan dareemi karno tilmaamahaa kor ku xusan badankoodu si toos ah loogama dhex arki karo sicir bararka Somaliland ka jira.
Wali ma is waydiisay Somaliland sicir bararka ka jiraa waa waa qiyaas inteee leeg cabbirka boqolayda? mase jiraa wax lagu ogaanaayo oo lagu soo saari karo sicir bararka?
Inta badan adduunka Sicir bararka waxa lagu ogaadaa halbeega loo yaqaano (Consumer Price Index) kaas oo ah celceliska Boqolayda uu is bedelay qiimaha badeecadda la quuto sannadkii koror ama hoos u dhac labadaba. Waxaa cad in ayna wasaaradda qorshayntu xogta (statistics) kaa uruurin hadday uruurisana aan si suggan loo uruurin, sidaa darteed lama yaqaano qaddarka rasmiga ah ee Sicir bararka Somaliland taas macnaheedu waxa weeyaan Xalkeedu masugmaayo inta aan la garanaynba wax kordhay iyo wax hoos u dhacay. Tusaale haddii Zaad sicir bararka kor u qaaday halkee ayuu markii hore joogay oo Zaadku ka soo dhaqaajiyey, haddii Sarrifka qaadka ee Dollarka laga dhigay uu kor u qaaday halkee ayuu ka soo dhaqaajiyey oo gaadhsiiyey Sicir bararka dhammaan waa wax aan sugnayn oo male awaal uun ah.
Haddii aynu hadaba is waydiino maxaa gaar u sababay sicir bararka Somaliland, waxa ay ila tahay waxa jira dhibaatooyin inoo gaar ah oo u baahan in la daraaseeyo
Waxa ka mid ah. Kaw adduunka ma jiro dal laba lacagayaw ka dhex shaqeeyaaan
Laba system ka Zaad iyo E-Dahab halkan sida ay uga shaqeeyaan Adduunka ugama shaqeeyaan
Saddex inagu ma lihin wax soosaar buuran oo aynu dunida u dhoofino si ay lacag inoogu soo gasho aynu wax ku soo iibsano oo is dhaaf inoo noqota.
Dhibaatooyinkaa inoo gaarka ahi waxa ay sababbeen in la fahmiwaayo qaab suggan oo loogu hagaago wax ka qabashada dhibaatadan.

4. Muxuu yahay Doorka bangiga dhexe ee wax ka qabashada Sicir bararka
Baanka dhexe dawladuhu waxa uu isticmaalaa siyaasad loo yaqaano (Monetary policy), taas oo uu markastaba ka warhaynaayo dalabka iyo soo daynta lacagta suuqa (Demand and supply of money), sida inuu kordhiyo ama hoos u dhigo xadiga dulsaarka ama inuu lacag suuqa ku soo daayo, inuu Bonds soo iibiyo oo dawladda u soo iibiyo, ama inuu kor u qaado xaddiga lacagta ee laga hayo banks private ka ah ama gaarka loo leeyahay.
Farsamooyinkaasi inta badan banka dhexe ee Somaliland si waaqici ah uma sameeyo tusaale waxa suurta gal ah iyadoo ay lacagtii suuqa taalay badantahay oo aan loo baahnayn lacago cusub in lacag cusub uu soo daabaco taasina dhibaato hor leh samayso
Maxay tahay doorka Dawladda dhexe gaar ahaan wasaaradda maaliyaddu

5. Dawladda dhexe waxa ay isticmaashaa Siyaasad loo yaqaano (Fiscal Policy) siyaasaddani waxa ay ku salaysan tahay inta badan cashuur kordhin ama hoos u dhigid cashuureed tusaale ahaan Haddii la rabo in hoos loo dhigo saamaynta kharashka (Cost-push effect) cashuurta ay dawladdu qaado ayaa la yaraynayaa si ay badeecaddu u jabto, haddii la doonaayo in (demand-pull effect) hoos loo dhigana cashuurtaa la kordhinayaa si loo dhimo iibka badan ee dadku wax iibsanayaan.
Farsamadan laftarkeedu kama shaqayso dalkeena, inta bandanna waxaad arkaysaa wasaaradda Maaliyadu iyada oo ku mashquulsan Shaqadii Banka dhexe oo Monetary policy samaynaysa.

6. Sarifka iyo Sicir bararka
Horta ma jiro dal suuqa ay taalo lacagtii la doono sida keena oo birtii, Euro dii, Dollarkii, Somaliland shillinkii, ay dhammaan ka shaqaynayaan oo ay is garab socdaan sarrifka dunida dhexmaraa waa kan ay waxna ku iibiyaan waxna kula soo degaan. Tusaale dalka dhexdiisa waxa ka shaqaynaysa lacagta dalku leeyahay oo wax kasta lagu kala iibsanayaa ninka ganacsadaha ahi marka uu rabo inuu wax soo iibsado Bank ayuu u doonanayaa lacgtuu debadda wax kaga soo iibsan laha isagaoo gaynaaya tii localka ahayd banku isagu waxa uu haya lacagtii dalka ka soo gashay wixii uu dhoofiyey halkaasbaa lacagtu ku kala wareegaysa ee lacag suuqa dhex lugaynayasa oo jaantaa rogan ahi ma jirto. Dawladuhu laba siyood ayey isticmaalaan oo ay nidaamkan ku maalmulan mid waxaa looyaqaan Faulting exchange rate sarrifka is bedbedalaaya oo marna hoos u dhaca marna kor balse nidaam ku shaqaynaaya iyo mid la yidhaahdo Fixed Exchange rate oo ah mid go’an oo aan isbedel ahayn waa ka ay ku dhawaaqday dawladeenu hadda midkastaana xaalad ayuu ku habboon yahay aragti ahaanna Fixed exchange ku waa nidaam adag inaguna in aynu isticmaalo way adagtahay waayo dhaqaale lacagteenu ay ku miisaanaato lacagta qalaad ma haysano markasta.
Dhibteena ugu weyni inaga waa lacagayawga iska dhinac shaqaynaaya oo u baahan in si qoto dheer looga fiirsado sidii wax looga qaban lahaa haddii kale dhibteenu waa mid taagnaan doonta abidkeed.
Ilaalinta lacagta local ka ah iyo in markastaba uu qiimaheedu sareeyaa waxay sahashaa in waxyaabaha lala soodegayaa jabnaadaan sicir bararkuna hooseeyo inta badan ilaalinta lacagtuna waxa ay u baahantahay siyaasad wakhti fog.

7. Adeegga Mobil lacag Ku Qaadasha ama Adeegga Lacag xawilidda degdega ah (Mobile money transfer)
Adeegani waa adeeg dunida ku cusub oo ah in laga maarmo lacagtii waraaqaha ahayd oo lagu bedelanaayo numbers kuu metalaaya lacagtaadii xogtooduna kuugu kaydsantahay mobile kaaga gaarka ah, waa account kula socda markasta oo ka hawl fudud kii banks ka, waa adeeg isticmaalkiisu hadda dunida ku fidaayo, walidba dalalka soo koraaya sida Kenya iyo Tanzania, iyo dalalka carabta waa adeeg ay inta badan taxadir badan ka galeen dalalka horumaray oo isticmaalkiisa ayna ku degdegin iyaga oo inta badan daraasadaynaaya saamaynaha uu ku yeeshay dalalka laga isticmaalyo, adeegani waxa uu hoos u dhigaa lacagtii waraaqaha ahayd isticmaalkeedii oo inta badan xeraysnaata. Adeegani waxa uu sababa in cent ama shilin kasta oo ku jiraa u shaqeeyo sidii laba cent ama shilin, tusaale 10 dollar aad dhigataa mid kii waraaqda iyo ka numbers ka ah ayey noqonaysaa tii numberka ahaydna bulshadaa isticmaalaysa tii kalee waraaqda ahaydna shirkada, taasi waxa ay sababi karaa Sicir barar iyo in lacagtii laban laabanto markasta xawaaraheeduna bato. Dawladaha isticmaala dhammaantood waxay ku isticmaalaan lacagahooda local ka ah iyaga oo u gooyo qaddar lacageed oo aanu dhaafi karin inta badan waayo isku halayntiisa ayaan aad u badnayn. Adeegyadan khidamado ayaa ay qaataan shirkadahaa isticmaalaa.

8. ZAAD iyo E-Dahab Xaaladooda
Adeegyadani waa adeeg ka mid ah kuwa aynu kor ku soo xusnay ee mobil lacag ku qaadashada ah, balse waxa ay leeyihiin waxyaabo u gaar ah ee oo lagaga soo reebi karo habka ay u shaqeeyaan adeegyada kale ee dalalka kale ka shaqeeyaa. Waa mide adeegyadani ma isticmaalan ama ahmiyad badan kuma laha isticmaalka lacagta dalka balse waxay isticmaalaan lacag aan ahayn tii rasmiga ahayd ee dalka, waa is dhexyaaca lacageed ee dalkeena ka jira. Waa ta labaade xaddiga lacagta ku kaydsan iyo khataraha ka iman kara daraasad fiican oo madaxbanaan oo shirkadaha gacanta ku haya ka madaxbanaani ma jirto si run ahna looguma ilaaliyo kayd lacageed oo banku ka hayo haddii system fashilmana ma jiro.
Adeegyadani wax badan bay inoo fududeeyaan marka shaqsi la taagan yahay (Individual level). Balse dhibaatadooda ugu badani waxa weeyaan waxa ay sabab u noqdeen in lacagtii dalka laga maarmo oo qafkastaaba waxa ugu yar dollar u isticmaalo taasi waxay waafaqday ujeedka guud ee ah in mobile money transfer uu bedelo lacagta waraaqaha ah balse inaga maadaama oo lacagta lagu isticmaalaay dollar tahay lacagteenii ayaa uu siday u dhantahayba uu joojiyey, waa dhibaato aan laga gaashaaman oo aan la dersin markii adeegan dalka laga hirgelinaayey oo ahayd markaasba in Shilin ka dalka lagu hawl geliyo.

9. Go’aamadii Dawladdu Ma yihiin qaar Si dhab ah wax uga qabanaaya dhibaatadan Soo noqnoqotay.
Dawladda Somaliland Waxay ay dhawaan go’aamo dhibaatadan oo cirka isku shareertay wax kaga qabato ayey soo saartay, go’anadaasi qaar badan oo ka mid ahi haba koobnaatee dhibtan ina haysata in ay wax ka qabtaan waa suure sida haddaba inooga muuqata go’aankii dollarka lagu xakeemeyey sarrifkiisa.
Qodobadaas waxa ka mid ah in Zaad ka wixii boqol dollar ka yar shilin uun loo isticmaalo si lacagta dalku dhaqdhaqaaq u yeelato go’aankaasi meecashada iyo badeecadda wax ka qabashadeeda saamayn badan in aanu ku yeelan waa laga yaabaa balse wuxuu ka shaqaysiinayaa lacagtii dalka ee laga maarmay oo suuqay ku fidaysa, hadda way tuulantahay oo cidba uma baahatee. Waxa kale oo ay ka hortag u tahay korodhka degdega ah ee sarrifka ku kordhaaya marwalba. Qodobkani Muu fulin wali xilli uu fulaayana lama garanaayo
Qodobka kale ee tilmaamaaya in Dollar ka lagu xaddido qiimo go’an waxaan filaya qodobkaasi muddo dheer mashaqayn karo waayo lacagta Somaliland marnaba ma hayso awooda ay dollarka meel ku ilaalin karto, balse wakhti kooban (short term period) waa lagu sii mel gaaadhi kara inta xal dhab ah loo helaayo.
Marka laysku wada daro qodobadaasi dawladdu soo saartay dhammaantood haddii si wacan loo fuliyo lagana dhabeeyo waxa suurta gal noqon karta in dhibaatadan xal wakhti kooban ah loo helo balse markastabba waxa mudan in laga fekero siyaasadda wakhtiga fog

10. Talo soo jeedin
1. In la sameeyo xog sugan oo ascaarta quuteyaasha ah (Consumer Price Index) si loo ogaado sicir bararka dalka ka jira iyo inta uu leegyahay, si loo xaqiijiyo talaabada dawladdu qaadaaba inta ay ka bedelayso xaaladda
2. In banka dhexe Shaqadiisii qabto bangiyadana uu kula xisaabtamo si sharciya sida inuu ka qaado bangiyada gaarka loo leeyahay lacag dhigaal ah (reserve requerment) oo hadday dhib ku timaday hantidii ummadda bedebaado ugu noqonkarta.
3. In dawladdu isticmaasho siyaasadda loo yaqanaan Fiscal Policy, sida cashuur kordhin ama dhimis hadba ka habboon.
4. In Bulshadu ogaato ninka ganacsada ahi dantiisuu ka shaqaynayaaye danta guud ilaalinteeedu tahay dawladda isla markaasna lagu kaalmeeyo talaabooyinkay xal u aragto
5. In dhibaatada qaadka ee Lacagtii Dollarka ahayd dalka lagaga saaraayo dawladdu xal ka soo saarto

Leave a Reply

%d bloggers like this: