50 Qof Oo Ku Dhintay Dhul Macdanta Laga Qodo Oo Ku Soo Dumay Dalka Myanmar

Naypyitaw, (HCTV) – Tiro ka badan 50 qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen kadib markii uu dhul ku soo dumay waqooyiga dalka Myanmar, sida ay cadeeyeen ciidamada bileysku, kuwaas oo sheegay in markii dadka uu dhulkaasi ku soo dumay ay hurdeen, maanta oo salaasa ah.

Maydka saddex qof ayaa laga soo saaray meesha la yidhaa debris, waxaanu sheegay mid ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto deegaankaasi jade-rich Hpakant oo ka tirsan gobolka Kachin oo ku yaala waqooyiga, in dhulka soo go’a ay caadi ka tahay inuu ku soo noqnoqdo deegaamadaasi.

Waxaana la sheegay in laba shirkadood oo iyagu halkaasi macdanta ka qoda ay ka joogaan shaqaale dhan 54 shaqaale ah, iyo 40 mishiin iyo qaadiid loo isticmaalo dhinaca Macdan qodiska.

“Kama badbaadi karaa. Maaha suuragal maxaa yeelay waxay ku dhex aasan yihiin dhiiqada dhexdeeda,” ayuu u sheegay Tin-Soe oo ah xildhibaan laga soo doorto deegaanka ay dhibaatadu ka dhacday, mar uu khadka telefoonka ugu waramayay waxaakalada wararka ee Reuters oo HCTV ka soo xigtay, waxaanu intaasi ku daray “Way adagtahay in maydadka dibada loo soo saaro.” Ayuu yidhi Tin-Soe.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA