AKHRI: Qodobbada Heshiis Ay Wada Gaadheen KULMIYE Iyo UCID

Hargeysa (HCTV) – Xisbiyada UCID iyo KULMIYE ayaa waxay qalinka ku duugeen heshiis ay ka gaadheen khilaafkii ka taagnaa Qabsoomidda doorashada, ka dib markii uu guul-daraystay dedaal muddo soo socday oo la doonayey in Saddexda XIsbi ee Somaliland ay si wada jir ah Heshiis u gaadhaan.

Prof. Maxamed Cabdi Ebyan. Musharraxii Madaxweyne ku-xigeen ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID wuxuu goobta uu heshiisku ka dhacay ka akhriyey Qodobbada heshiiska ee Xisbiyadu kala saxeexdeen, waxaanu yidhi:-

  1. Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay isku afgarteen in doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada ee qorshaysan inay qabsoonto 13-ka December, 2019 inay ku qabsoonto wakhtiga loogu talo-galay.
  2. In Komiishanka doorashooyinka Qaranka ee hadda jiraa uu bilaabo hawlihii diwaangelinta iyo u diyaar-garowga doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada.
  3. Waxay Xisbiyada Qaranka ee UCID iyo KULMIYE isla qaateen in 01 August, 2019 la soo xulo Komiishanka doorashooyinka ee cusub, komiishanka oo tiradiisuna tahay 7 xubnood. Komiishanka Doorashooyinka ee hadda shaqaynaya ayaa u idman sii wadidda hawlaha qaban-qaabada doorashooyinka illaa dhammaadka muddo-xileedkooda, iyadoo Komiishanka cusubna uu ula shaqayn doono hab tababbar ah iyo inay u diyaar-garoobaan inay la wareegaan xilka, iyaguna qaban doonaan doorashada.
  4. In Komiishanka doorashooyinka ee cusub lagu daro laba xubnood, lagana dhigo 9 xubnood, doorashada Goleyaasha degaanka iyo Wakiillada, loona gudbiyo Golaha Wakiillada ee dambe.
  5. Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay isla qaateen in meel looga soo wada jeedsado qabsoomidda doorashooyinka deegaanka iyo Wakiillada, wada shaqayn buuxdana ay la yeeshaan Komiishanka doorashooyinka.
  6. Sidoo kale, waxay Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay isla afgarteen in la sameeyo Guddi Madax-bannaan oo si habsami ah ula socota geeddi-socodka diwaangelinta yo qabsoomidda doorashada, si loo hubiyo, loona ogaado in doorashadu u qabsoonto si xor iyo xalaal. Guddigan oo ka koobnaan doona xubno kala matali doona Waddamada qaadhaan-bixiyeyaasha iyo Asxaabta Qaranka.

Ugu dambayn, Xisbiyada UCID iyo KULMIYE waxay u soo jeedinayaan Waddammada qaadhaan-bixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland inay soo bixiyaan qaadhaanka kaga aadan qabsoomidda doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka