Wasaaradda Beeraha Oo Cagafyo Wareejisay Iyo Kanaalo Loo Sameeyay Dhul-beereed

Burco (HCTV) – Wasaaradda Beeraha Horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa deegaanka Beer ee Duleedka Degmada Burco ka hirgelisay Saddex Kanaal oo loogu talo-galay inay biyaha u soo duwaan Wax soo-saarka Wasaaraddu ka hirgelinayso inta lagu jiro xilli roobaadka.

Munaasibadda oo uu ka qayb-galay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha, Md. Axmed Muumin Seed iyo Madax ka socotay Hay’adda FAO, ayaa Wasiirku wuxuu Dadka deegaanka beer ku wareejiyey Cagafyo cusub oo dhawaan Hay’adda FAO ku wareejisay Wasaaradda.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland, Md. Axemd Muumin Seed oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay dedaal ugu jiraan sidii dalku uu isku filaansho uga gaadhi lahaa dhanka cuntada, sidaa darteedna loo baahan yahay in Dadka Beeralayda ahi si wanaagsan uga faa’idaystaan xilli roobaadkan bilaabmay, dhulkana ku foorarsadaan.

Wasiirku wuxuu si gaar ah ula dardaarmay Dadka deegaanka Beer, maaddaama oo dhulkoodu ku habboon yahay wax soo-saarka.

 

HORN CABLE TV

Waaxda ONLINE-ka