Haweenay Ingiriis Ah Oo Lagu Dilay Nigeria Iyo Dad Kale Oo La Afduubay

Nigeria (HCTV) – Haweenay u dhalatay Dalka Ingiriiska iyo Nin u Nigerian ah ayaa lagu dilay Waqooyiga Dalka Nigeria, halka Saddex Qof oo kalena la afduubay, sidaana waxa xaqiijiyey Ciidammada Booliska iyo Safaaradda UK ee Magaalada Lagos.

Afduubka ayaa ku fiday Dalka Nigeria, waxaana lagu qafaashaa Dadka Ajaanibka ah iyo Muwaadiniinta reer Nigeria labadaba, si looga bixiyo lacago Madax-furasho ah.

“Haweenayda la dilay Dalxiis ahaan ayay uga timid Caasimadda Nigeria ee Lagos, waxayna ka qayb-qaadanaysay Xaflad, ka hor intii aan la dilin..” Sidaa waxa sheegay Booliska

Haweenayda Ingiriiska ayaa Magaceeda lagu sheegay Faye Mooney, laakiin illaa hadda Cidna ma sheegan Masuuliyadda Dilka Gabadha Ingiriiska ah iyo Ninka u dhashay Nigeria iyo weliba Afduubka Saddexda Qof ee kale.

Haweenayda la dilay ayaa ka mid ahayd Shaqaalaha Hay’ad Magaceedu yahay Mercy Corps, halka Ninka la socday ee la dilay oo Magaciisa lagu sheegay Matthew Danjuma Ogwuche uu ahaa saaxiibkeed, sida HCTV ka soo xigtay Warbaahinta Nigeria.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka