Degdeg: Saudi Arabia Oo Dil Ku Fuliyay 37 Qof

Riyadh, (HCTV) – Sucuudi Arabia ayaa maanta dil madax ka jarid ah ku fuliyey 37 qof oo u dhashay dalka Sucuudiga, kuwaas oo ku eedaysnaa dambiyo la xidhiidhay Argagixisonimo, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee Sucuudigu Saudi Press Agency (SPA), oo HCTV ka soo xigtay.

Talaabadan dawlada Sucuudigu ay halka mar ay dilka ku fulisay ayaa dadkaasi loo haystay falalka Argagixiso-nimo, waxaanay noqonayaan tiradii ugu badnayd ee mar qudha dilka lagu fuliyey iyo ilaa bishii January 2, 2016-kii, xiligaas oo boqortooyada Sucuudigu ay dil ku fulisay 47 qof oo ku ku jiray wadaad shiico ah oo caan ahaa, kaas oo dilkiisa ay dibadbaxayo ka dhasheen saamayn ku yeeshay safaarada Sucuudigu uu ku leeyahay dalka Iran.

Sidoo kale dadkan lagu fuliyey dilka ayaa wada ragg ah, kuwaas loo haystay dambiyada argagixisonimo ayaa yimid maalin ka dib markii afar dablay ah oo ka tirsan dawladda Islaamku ay ku dhinteen markii ay damceen inay weerar ku qaadaan dhisme ku yaalay waqooyiga caasimada Riyadh, halka sidoo kalena uu ku soo beegmayo xili la aasayo dadkii ku dhintay qaraxyadii ka dhacay dalka Sri Lanka oo ay ku dhinteen dad tiradoodu ka badan tahay 300 qof.

Wasaarada Arimaha gudaha dalka Sucuudiga ayaa maanta oo Salaasa ah ku dhawaaqday inay dilkan fulisay iyadoo u martay sharciga diinta Islaamka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA.