Goormaa La Gelayaa Imtixaannaadka Shahaadiga Ah Ee Somaliland ?

Hargeysa (HCTV) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa Maanta waxay ku dhawaaqtay wakhtiga la qabanayo Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare iyo Fasallada 8-aad ee Dugsiyada dhexe.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Cismaan Jaamac Aadan ayaa ugu horrayn shaaciyey wakhtiga la qabanayo Imtixaannaadkaasi, waxaanu yidhi “15-ka bisha Juun ee sannadkan aynu ku jirno, 2019, ayaa imtixaanaadkii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada hoose/dhexe ama fasalka 8-aad iyo Fasalka 4-aad ee dugsiyada Sare..”

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale “15-ka bisha August ee soo socota waxa lagu dhawaaqi doonaa Natiijada Imtixaannaadka shahaadiga ah. Sannad-dugsiyeedka cusub wuxuu bilaabmayaa 10-ka bisha August..”

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka