Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Dhigiisa Masar

Madaxweyne Farmaajo Oo La Kulmay Dhigiisa Masar

Hogaamiyaha Hezbollah Oo Ka Digay Dagaal Lagu Qaado Iran
Muqdisho: 5 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxa Al-shabaab Sheegatay
Xulka Uganda Uga Qayb-galaya Tartanka Kubadda Cagta Ee Afrika Oo Muran Lacageed U Joojiyey Tababarkoodii
Jubba-land Oo Xidhay Xuduudaheeda Badda, Cirka, Dhulka (Akhri Sababta)
Puntland: Duqayn Lagu Dilay Ku Xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Qaahira, (HCTV) –  Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay Shir Madaxeed dalalka Afrika ay ku yeesheen dalka Masar, kaas oo lagaga hadlayey arimaha dalalka Suudaan iyo Liibiya ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa dalka Masar Cabdifataax Al-Siisi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay dhiggiisa Dalka Masar dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xidhiidha xasilinta iyo horumarinta dalka Somalia.

Madaxwaynaha ayaa uga mahad celiyey shacabka iyo Dowladda Masar garab istaagga joogtada ah ee ay u muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo uu kala dhexeeyo xiriir soo jireen ah oo ku dhisan iskaashi iyo dheef wadaag.

Dhankiisa, Madaxweyne Al-siisi ayaa ku bogaadiyey Dowladda Federaalka Soomaaliya tallaabooyinka dowlad dhiska ah ee la qaaday, isagoona sheegay in dalkiisu uu sii wadayo taageeridda iyo xaqiijinta midnimada, amniga iyo horumarka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Cabdulfataax Al-sisi waxa uu adkeeyey muhiimadda ay u leedahay dalkiisa in ay si dhaw ula tashadaan, kalana kaashadaan Dowladda Soomaaliya qorsheyaashooda heer qaaradeed muddada xil-madaxeedkiisa Midowga Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa iska xog-wareystay xaaladda Gobolka iyo caqabadaha jira, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u sheegay dhiggiisa Dalka Masar in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku garab taagan yihiin dadaallada heer qaaradeed, maadama uu haatan Guddoon u yahay Midowga Afrika.

COMMENTS

%d bloggers like this: