Madaxweyne Farmaajo Oo Socdaal Kedis Ah Ku Tagay Eritrea

Asmara, (HCTV) – Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa socdaal aan hore loo sii shaacin ku tagay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea.

Weftigan Madaxweynaha Somalia ee socdaalka ku tagay dalka Eritrea ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugan dalka Masar oo ay kaga qeyb galeen shir Madaxeed lagaga hadlayey xaalaadda dalka Sudaan iyo Liibiya,

Hase yeeshee socdaalka kadiska ah ee Madaxweynaha Somalia uu ku tagay Eritrea ayaan si dhib ah loo ogayn ujeeda safarkaasi, walow uu soo dhaweyn diiran kala kulamay madaxweyne Isias Afewerki.

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayay safarkan Eritrea ay ku wehlinayaan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Madaxweynaha dalkaas Isias Afewerki.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tira ka dhowr jeer tegay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, iyada oo uu goobjoog ka ahaa heshiis saddex geesood ahaa oo ay wada yeesheen dalalka Soomaaliya Itoobiya iyo Eritrea.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA