Madaxweynaha Waqooyiga Korea Oo Kulan La Yeelanaya Vladimir Putin

Vladivostok, (HCTV) – Madaxweynaha dalka Waqooyiga Korea Kim Jong Un ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la wadaago Ruushka maanta oo Arbaca ah isagoo saaran tareenkiisa gaarka ah, waxaanay warbaahinta dalka Ruushku ay ku waramayaan in socdaalkii ugu horeeyey ee Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi uu ku tago dalka Ruushkku uu ku soo beegmayo xili uu Ruushka ka raadinayo taageero, maadaama oo ay istaageen wadahadaladii dhinaca nuclear-ka ee uu la lahaa dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Kim Jong Un oo isagu isku arka xiligan inuu ka mid yahay jilayaasha waaweyn ee aduunka ayaa kulankiisii ugu horeeyey la yeelanaya Hogaamiyaha dalka Ruushka maalinta barito oo khamiis ah, waxaana la filayaa inuu dalkaasi ka raadiyo taageero dhinaca dhaqaalaha ah, maadaama oo ay mudo dheer xulafo siyaasadeed ahaayeen, balse Maraykanku uu cunaqabatayno dhawra uu saaray.

Hogaamiyahan da’da yare e dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa Vladimir Putin kula kulmi doona magaalo dekedeeda Vladivostok waxaana ajandayaasha ugu sareeya ka mid noqon doona arimaha Nuclear-ka dalkaasi, sida ay sheegtay aqalka Kremlin-ka ee looga arimiyo dalka Ruushka.

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA