Boosaaso: Ilaaladii Guddoomiyaha Gobolka Bari Oo Qarax Lagu Dhaawacay

Boosaaso (HCTV) – Qarax ayaa Maanta gelinkii hore ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari ee Maamul-gobolleedka Puntland.

Qaraxan oo ka dhacay meel ku dhow Huteel lagu Magacaabo Jubba oo ku yaalla Magaalada Boosaaso, ayaa sababay dhaawac soo gaadhay laba Askari.

Qaraxan oo la sheegay inuu ahaa Miino dhulka lagu aasay, ayaa waxa ku dhaawacmay laba Askari oo ilaalo u ahaa Guddoomiyaha Gobolka Bari, halka Gaadhiga Miinadu la kacdayna uu ahaa gaadhiga Guddoomiyaha oo  daqiiqado ka hor ka degay, sida ay ku warrantay Warbaahinta gudaha ee Puntland.

Waxa soo baxaya Warar sheegaya in Miinada Qaraxday ahayd mid loogu talo-galay in lagu dilo Guddoomiyaha Gobolka bari, balse uu ka degay Gaadhi inta aanay miinadu Qarxin.

Maaha markii koowaad ee dhibaato amni-xumo ka dhacdo Magaalada Boosaaso, balse waxa Bilihii u dambeeyay halkaa ka dhacayey Weerarro khatartooda leh, waxaana ugu dambeeyay weerarkii kan ka horreeyay ee lagu dilay Madaxii shirkadda DP World ee Dekedda Boosaaso.

 

Horn Cable Tv

Waaxda Online-ka