Somaliland Oo Sii Daysay Laba Hablood Oo Canada U Dhashay

Hargeysa, (HCTV) – Xukuumada Somaliland ayaa sii daysay laba hablood oo Canada u dhashay, balse asal ahaanka soo jeeda Somaliland, sida ay qorayaan warbaahinta Caalamka oo HCTV soo xigtay.

Maymona Cabdi oo da’deedu 28 jir tahay iyo Karima Watts, oo 24 jir ah, ayaa la xidhay bishii January kadib markii ay ciidamada bieysku ay ka soo qabteen guri ku yaala Hargeysa, sida uu sheegay qareen Mubarik Mohamoud Abdi.

Labadan hablood ayaa markii hore ka yimid magaalada Ottawa ee dalka Canada, waxaan hablahan la xidhay markii lagu eedeeyey inay cabeen khamri, kaas oo ka manuuc ah Somaliland oo iyada aan wali beesha caalamku u aqoonsan qaran madaxbanaan kana go’day Somalia inteeda kale.

Jason Jeremias oo ka tirsan Hay’add ka shaqaysa xuquuqal Insaanka oo fadhigeedu yahay New York ayaa sheegtay in Maymona Cabdi ay Somaliland u tagtay si ay gacan uga gaysato dumar dhibaatooyin dhinaca Genderka ah la kulmay.

Waxaanu qareenka u doodayey uu sheegay in lagu xukumay laba bilood iyo badh xabsi ah, balse ay taa uga badbaadaan ay xadhiga u iibiyeen.

Hooyada dhashay Mid ka mid ah labadan hablood ee saaxiibka ah ee Canadian-ka ah ayaa dhawaan ka socsatay dawlada Canada inay ka caawiso sidii hablaheeda loo sii dayn lahaa looguna soo celin lahaa dalkooda Canada, waxaanay tilmaantay hooyada dhashay hablahan oo la yidhaa Fahima Hassan in dawladda Canada ay ka codsanayso inay la xidhiidhaan Somaliland oo ay kala hadlaan sidii loo sii dayn lahaa hablahaasi.

“Waxaan doonayaa in gabadhayda ay timaado dalkeeda Canada. Waxa ay wajahday waxyaabo badan,” ayay tidhi hooyada mid ka mid ah abada hablood ee Somaliland ugu xidhan khamri ayay cabeen.

“Maymona iyo Karima ayaa labaduba waxa ay ku dhasheen oo ay ku koreen Ottawa, Canada, waxaanay ahaayeen saaxiibo,” ayay intaasi raacisay hooyada dhashay Moymona Cabdi, waxaanay sidoo kale u sheegtay warbaahinta Globe anad Mail oo HCTV ka soo xigtay “Markii Karima hooyadeed dhimatay waxay soo raacday inantayda oo ay saaxiib ahaayeen.”

https://www.cbc.ca/news/canada/ottawa/canadian-women-released-from-jail-in-somaliland-1.5107643

HORN CABLE TV,

WAAXDA ONLINE-KA